MAXAA ISAGA DAN AH! – W/Q. Siciid Jaamac Xuseen

0
47

siciid jaamacLix sannadood aan kala go’ lahayn ayaan ka soo qaybgelayay ‘Bandhigga Bugaagta Caalamiga ee Hargeysa sannad walba lagu qabto. In kastoo magacu yahay “Bandhigga Bugaagta’, misna

barnaamijku qaybo tiro badan ayuu ka kooban yahay. Haddaan tilmaan u soo qaato kii 5 – 13 bisha Agost 2014 ka qabsoomay Hargeysa, dadka dibedda laga martiqaaday 50 ayay kor u dhaafeen; kuwaas oo ka kala socday Australia, Carabaha, Biritaaniya, Finland, Sweden, Jarmalka, Talyaniga, Malawi, Kenya, Nayjeeriya, Itoobiya, Kanada iyo Maraykanka. Kuwaas oo isugu jiray warfidiyeen, aqoonyahan, gabyaa, taariikhyahaan, fannaaniin, sawirqaadayaal iwm oo barnaamijka siiyay xiisaha la yaabka leh ee dadka Hargeysa ku nooli ku soo dhoweeyaan.

Barnaamijku, caadi ahaan, dhowr maalmood ayuu ku eg yahay. Taasaa keenta inu subaxdii 8deeda bilaabmo oo habeenkii 9ka lagu gaadho, cidhiidhiga waqtiga dartiis. Sidaas ay tahay, misna looma kala tago, xiisaha loo qabo awgeed. Intayada Soomaaliyeed ee dibedda ka timaaddaa, kulankaas dhammaadkiisa ka dib, ayuun baa la haleeli karaa in lala kulmo ehel, saaxiibbo iyo qaraaba-salaan.

Bandhigga, qorshe loo kasay, ayaa lagu beegaa xilliga xagaaga ee dugsiyada sare ee waxbarashadu fasaxa yihiin. Waana xilliga ay cimilo ahaan magaalada Hargeysa ugu bilan tahay. Qorrax-dhaca cabbaarradiisa ayaa roob necaw raxmaad wataa ka xalxalaa dadka iyo duunyadaba milic kulaylkii tan iyo waaberigii dadka haystay. Bilicdaas ayaa habeenka loogu hoydaa.

Magaalada Hargeysa goob wacan ayay dhulka kaga taal – buuro iyo bannaan.. doog iyo dooxooyin.. cagaar iyo cagaag badan. Waa carro gedgeddoon miidhan aan isku -sii –deys la dhibsado wax ku lahayn. Carwadii ka dib, ayaannu tagnay, dhowr aan ku jiro, aqal qado na lagu casuumay oo ku yaal daanta galbeedka ee magaalada. Sii socodkii, baabuurku buur dhagax iyo dhadhaab adag ayuu nala salooshay intaan aqalka la gaadhin. Aqalku daanta sinteeda ayuu ku yaal. Markaan baabuurka ka degney, ayaan magaalada Hargeysa isha ka buuxsaday.

Sidii dermo ay malaa’iko ku fara yaraysatay oo farshaxan ku xardhan yahay ayay is kala feeraarisay – Subxaan Al-Mubdicul Cadiim. Marna maanka kuma soo dhacayso dunida sidan u bilan ayaa 23 sano ka hor ahayd meel.. goraygu ka hadaafay. Siday ku dhacday?

Talo qumman, dadaal wadajir ah, dan midaysan, iyo rabitaan geed-ka-go’an ah ayaa lagu xaqiijiyay. Magaalada nabadda ka jirta, dhismaha ka socda, iyo ganacsiga ka hirgalay, meelo yar ayaa qaarradda Afrika laga la kulmi karaa!

Duni shufbeeshay ayaa Hargeysada maantu ka soo kabantay oo laga dul dhisay.

Kuman yaal ruux oo ku sugnaa quus iyo niyadjab dalkii laga qaaday, ayaa maanta u soo kala tartamaya sidii ay caasimaddan boqran guri uga dhistaan intay goori goor tahay, eer weli la goyn karo sicirka dhulkeeda.

Kala guurkaas iyo guusha baaxaddaas leh, dadkii kaalin libaax ka qaatay, mar aqoonyahanku ka haajiray oo qurbaha iyo dal qalaad ka door biday, ayuu ka mid yahay akhyaarka qadada nagu casuumay gurigiisa. Qadada ka dib, barjo jaad ah, iswarasysi iyo falanqayn axwaasha dunida, ayaa intayadii isu timi na dhex martay. Mar Cishe lagu dhow yahay, ayaa kala-carrow noo bilaabmay; aannu isla jidkii hore soo raacaynno. Mar labaad ayaan magaalada Hargeysa milicsaday. Waa habeen oo iftiinka isqasaday ilaa Naasa-hablood; ee geestaad eegtidba naftu u riyaaqayso ayaa ishu la kulantay, maankuna ku raaxaysay.

Dadka libintaas soo hooyay, ee magaca iyo maamuuska igman ku leh ummaddiisa dhexdood, waxaa ka tirsan akhyaarka casuumadda aan ka sheekaynayo noo fidiyay. Waa Mudane Maxamed Siciid Maxamed GEES oo talisyadii Somaliland isaga dambeeyay jagooyin sare – heer wasiir – ka soo qabtay. Mar aan su’aal weyddiiyay:

“Maxaa ugu weyn guul aad ku faani kartid, intaad ifka ku noolayd?”

Intuu farta iigu fiiqay Hargeysadaan ka soo sheekeeyay, ayuu yidhi:

“ Inaan ka qaybqaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka, jeer Hargeysii maanta sidaad u jeedo tahay”, isagoo qosol niyad ah u dhexaysiiyay ayuu ku daray

“ aniguna halkaad taagan tahay ka soo degey, si laabtu iigu doogsato arageeda. Wax iiga qaaya weyn anigu ma sheegi karo.”

Maxamed Siciid Gees, ama GEES, sida saaxiibbadiis u yaqaan, shaqadii dawladda ee rasmiga ahayd wuu ka fadhiistay. Waa la-taliye Golaha guurtida ee Nabadda.

Xaaladdiisa caafimaad, sida kaloo dhan waa fayowdahay; dhegaha ayaa aad u cuslaaday, oo halis u ah inay rajo-beel gaadhaan. Hadalka qoraal ayaa loogu tebiyaa.. iyo isagoo dibno akhriska waxyaalaha qaarkood ku fahma. Qofahaan, waa akhyaar, aftahan laab xaadhan oo runta iyo dantu halkay ku jirto ka raaca marka ay talo la soo gudboonato. Maankiisa aqoon iyo waay-aragnimo ayaa dhaamisay oo ciddii la kulantaaba ay isaga marag kacdo, Soomaali iyo ajnabiba.

Markaan casuumaddii ka soo laaabtay, gurigaan degganaa imi, ayaan la kulmay war cusub oo sheegaya in nin ‘weyn’ oo dalka bilo ka hor wasiir ka ahaa, uu xuduudka ka gudbay oo ciidan qaran-weerar ah soo abaabulay si nabadda iyo horumarka dalku gaadhay loo majaxaabiyo. Arrin igu cusub ma aha. Layaab iyo fajicisona igu ma ay ridin… ee mid keliya ayaan ka samri la’ahay oo qoraalkan ii geysay: Wasiirkaa iyo duul la mid ah ayaan ka warqabaa in dawladdu gashatay kharash aad u badan oo haddii dalool ka mid ah lagu abaalmarin lahaa GEES (iyo kuwo la mid ah) ay ugu fillaan lahayd in dhegaha daboolmay loogu daaweeyo.

Labadaas markaan isbarbar dhigay, ayaa qalinku aammus diiday ay dadnimadu farayso .. ee maxaa isaga dan ah! Laba taloba, Rabbow, tii roon na sulansii. Waa inoo Carwada kal dambe iyo xagaageeda, haddii Eebbe idmo.

Siciid Jaamac Xuseen

Email: sjx_2005@hotmail.co.uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here