hanaanka dowladnimo waxaa saldhig u ah oo uu ka soo unkamaa halka ugu saraysa ee dalka laga xumo oo ah madaxtooyada, hadii hab-maamulka madaxtooyadu xun yahay waxaa xumaanayaa dhamaan hay’adihii dowliga ahaa oo dhan, iyada oo lagu dayanayo hadba sida ay u dhaqanto madaxtooyadu.
Madaxweynayaashii soo maray somaliland, mid kastaaba waxaa uu lahaa hab-dhaqan u gaar ah,taasoo laga dhex arki jirey qaabkiisa maamul ee madaxyooyada, iyada oo markiiba laga fahmi jirey ama laga qiimayn jirey hab-dhaqankiisa maamul iyo ka dowladnimoba.
Waqtigan waxaa muuqata in wax weyni isk bedeleen hab-dhaqankii madaxtooyada, iyada oo xukuumaddii ugu danbaysay ay hab-maamulka madaxtooyadu u muuqdey mid aad isugu dhex daadsan oo aan lahayn kala danbayn iyo hanaan dowladnimo toona.
Waxyaaba is bedelay waxaa ka mid ah waxaa la joojiyey dhamaan dadkii madaxtooyada tubnaan jirey, kuwaasoo ku soo geli jirey madaxtooyada balan la’aan, fool-xumona iyo khatar ku ahayd,amaanka madaxtooyada, hanaanka dowladnimo iyo guud ahaan kala danbaynta dowladnimo.
Waxaa kale oo is bedelay masuuliyiintii dowlada ee iyana tubnaan jirey madaxtooyada, kuwaasoo si joogta u joogi jirey madaxtooyada marxadeeda, iyaga oo xafiisyadoodii soo cidlayn jirey, taasoo iyana ceeb ku ahayd hanaanka dowladnimo, balse waqtigan qofka masuulka ahi balan buu ku yimadaa madaxtooyda oo uu ku arkaa madaxweynaha, waana hanaankii dowladnimo oo hagaagey.
Sidoo kale waxaa is bedelay oo la joojiyey masuuliyiintii xukuumadda ee madaxweynaha dabayaaci jirey marka uu meel booqanayo ama uu meel furayo, iyada oo masuuliyiinta dowladu ay dhamaan xafiisyada cidlayn jireen si ay madaxweynaha isaga dhaadhiciyaan, taasina waqtigan ma jirto oo arki maysid madaxweynaha oo wasiiro dabayaacayaan, tusaale madaxweyne Muuse, waxaa uu xadhiga ka jaray 12/0512018, wasaarada Diinta iyo Awqaafta, keliya waxaa la socdey madaxweynaha hawlwadeenadiisa madaxtooyada iyo masuuliinta wasaarada ee uu goobta ugu tegey, taasi waxay suurta gelisay in masuulkastaa uu shaqadiisa u ekaado.
Waxaa kale oo iska bedelay hab-dhaqanka madaxtooyada, kooxo dilaalin ah oo mashquulin jirey madaxtooyada iyo qaar iyana u iman jirey sidii ay dad ay wataan uga dhaadhicin lahaayeen madaxtooyada, si loo siiyo qandaraasyo iyo xilal, taasina way ka baxday waqtigan oo ma jiro qof qof wada oo uu abaan ka yahay.
Waxyaabaha iska bedelay hab-dhaqankii madaxtooyada, waxaa ka mid ah, waxaa la waayey intii uu madaxwryne Muuse, xukunka yimid, madax-dhaqameedkii madaxtooyada mashquulin jirey,kuwaasoo lahaa awood ka badan ta dowlada, hada ma arkyasid ama ma maqlaysid suldaan ebel baa madaxtooyada galay oo looga yeedhay, taasina waa hab-dhaqan xun oo meesha ka baxay.
Arrinta ugu wayn ee meesha ka baxday ayaa ah, ma jirto waqtigan cid loo sii maro madaxweynaha, ama jirto cid u dhexaysa madaxweynaha iyo qofka uu doonayo, ma jirto cid u dhexaysa madaxweynaha iyo masuulkiisa xilka haya marka uu doonayo ama uu amar farayo, waa toos madaxweynaha iyo cida uu la kulmayaa, taasina waxay soo afjartay hab-dhaqankii aynu ka baranay xukuumaddii hore.
La soco qaybta 2aad
W/Q: Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland