Maxaa Iskaga Tilmaamman Maanta iyo Milaygii Burco Ee Ku Taariikhaysnaa 24th August, 2008-dii
Bal Dhuux Oo Is-bar-bar-dhig Nuxur Ahaan Khudbadihii ay Hoggaamiyihii Xisbul-mucaaridkii KULMIYE iyo Guddoomiyaha Haatan ee Xisbul-xaakimku Ka Jeediyeen Shir-weynihii 2aad Ee Golaha Dhexe Ku Yeeshay Burco
“…..Waxa la yidhaa KULMIYE wuu is hayaa, Dabcan Waanu Dooddaynaa, Rag Iyo Dumarba Waxaanu Leenahay Dad Tartamaya Xisbigan Waxa Ku Jiraa Waa Dadka Haldoorkoodii”- Axmed-Siilaanyo, 24th August, 2008, BURCO
“….Qqofku Hadduu Doonayo inuu wax bedello isagaa iska bilaaba, Waa haddii aanu ahayn beenaale umadda ku qanciya waxaan jirin…. …Waxaa Xisbiga KULMIYE Looga Baahan Yahay in aynu u diyaar garawno sidii aynu dalka uga saari lahayn dhibaatooyinka uu ku jiro iyo kuwa soo socdaba..”-Muuse Biixi, 24th August, 2008, BURCO
Burco (Hubaal)- Bahda tifaftirka ee HUBAAL Waxa ay Akh-yaarta ku Xidhan Degelkan Hubaalmedia.net, halkan ugu soo bandhigaysaa Qormo ay ugu talo galeen inay dib ugu xusuusiyaan maraaxil ku suntan saaxadda siyaasaddeed ee Somaliland, kuwaas oo lix sanno ka hor xaraaradeedu meel adag gaadhay. Marxaladan oo ku siman waqtigii Xisbul xaakimka maantu gegida mucaaridada baar-qab ka ahaa, hase yeeshee ay gedaafooyin siyaasadeed kala irdheeyeen korommo damacooda isku seegay.
Haa waa shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ku yeeshay Burco 24kii bishii Siddeedaad ee August ku yeeshay Magaalada Burco, kaas oo furitaankiisiiba loogu wanqalay khilaaf.
Maalintan aan ka hadlayo oo ergooyinkii xisbigu ku talo galsanaayeen doorashada murashixiintii madaxtooyada ee uga qaybgalaya tartanka doorashada madaxtinimada [Madaxweynaha iyo ku xigeenka maanta] ayaa sidii ballantu ahayd la iskugu tegey hotel-ka city plaza ee magaalada Burco. Isla markaana waxa madashaa lagu doortay Shir-gudoonka Golaha Dhexe ee xisbiga oo ka koobannaa saddex xubnood. Sidoo kale isla madashaas furitaanka waxa lagu ansixiyay xubno door ah oo ka tirsan golaha dhexe oo muran ka taagnaa iyo qaar lagu kordhiyay.
Ugu horayn waxa shirku cod gacan taag ah ku doortay Jaamac Ismaaciil Cige(Shabeel) oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye, halka Maxamed Jaamac Warfaa looga doortay Gudoomiye Xigeen, Cabdi-risaaq Cumar Ciyaale-na looga doortay Xoghayaha Golaha Dhexe.
Doorashada Hoggaanka Golaha dhexe ka dib waxa madasha ka hadlay Gudoomiyihii xisbiga Kulmiye haatanna ah Madaxweynaha Qaranka Md. Axmad Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaasoo khudbad uu shirka ka jeediyay kaga faallooday xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan marayay xilligaas, gaar ahaanna muhiimmadda uu Xisbigu uga gol-leeyahay shirka u furmay. Axmed-siilaanyo kadib waxa isna hadalka ka daba qaatay Guddoomiye ku xigeenkiisii 1aad, haatanna ah Guddoomiyaha Xisbiga Muj. Muuse Biixi Cabdi.
Axmed-Sillaanyo Vs Muuse Biixi
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddoomiyihii KULMIYE ee waqtigaas waxa uu khudbadiisa ku soo qaaday dhoofka xoolaha nool oo uu tilmaamay in dhibaatada haysata dadka reer miyiga ah oo uu ku tilmaamay dad adkaysi badan oo samir leh ay u raacday ganacsigii neefka oo dhoofintiisa gaar loogu xidhay ganacsade Carbeed. “todobaadkan waxa soo baxay waad ogtihiin nolosha dadkeena qaybo badani waxay ku xidhnaayeen dad badan oo dibada jooga. todobaadkan maamulka Rayaale waxa uu soo saaray markuu Xoolahii xidhay, Shidaalkii xidhay, Macdantii gurtay, Kaluunkii gurtay ee uu wax kasta ajanabi gacanta u galiyay oo wax kastoo umadu lahayd xidhay in uu shilimadii dibada laga soo dirayay uu cashuur ku soo rogo oo markaad lacagata qaadanayso la yidhaa dhig halkaa intii ina Rayaale waad aragtaan. Markaa, waa maxay waxa maanta laynooga baahanyahay.?” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Axmed Siilaanyo, waxana uu ku dooday in xukuumada maanta talada haysa masuuliyadi ka saarayd inay dalka ka hirgeliso doorashooyinka. “Maanta dawladu waa dawlad ku meel gaadh ah iyadaanay masuuliyadi ka saarayd in ay dalka ka hirgaliso doorashooyin. Waxa aynu Maanta u fadhinaa, in ay halkan ka soo baxaan midhihii wacnaa iyo dawladii dadakan, dalkan sharaftiisii iyo karaamadiisii usoo celin lahayd ee marin lahayd wadada saxda ah. inagu waxaynu nahay xisbiga qudha ee ay dhexdiisa ka muuqato dimuqraadiyadi. waxa la yidhaa Kulmiye wuu is hayaa, waanu doodaynaa dimuqraadiyad ayaa naga muuqata dabcan rag iyo dumarba waxaanu leenahay dad tartamaya xisbigan waxa ku jira iyo kuwa taageeraaba waa dadka haldoorkoodii. Su’aal aan idin waydiiyo wali miyaad aragteen UDUB meel ay ku shirayso meel ay wax ku dooranayso. maya sababtu waxa weeye dimuqraadiyad daro iyo cadaalad la’aan maamulka jiraana ma jirto meel qarinaysa dhibaatooyinka uu dalka u horseeday nasiib daro, waxa laga hayaa dawladeenii in ay tidhaahdo dalkayaga waxa jooga Al qaacida, taasna macnaheedu waxa weeye in ay dalka ku soo hogaamiso diyaarado duqeeya iyo cadaw markaa anagu waxaanu leenahay dalkayaga ma joogto Al-qaacidi ee waxaanu u taaganahay nabadgelyo..ugu danbayn waaxaan idinkula dardaarmaya maanta waxa aynu wax ku doonaynaa xabad maahee waa cod oo ah kii aynu dalka iyo sharaftiisa ku badbaadin lahayn” Ayuu ku soo koobay Axmed Siilaanyo hadalkiisa.
Waxa kale oo shirka ka hadlay Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan shirkan ka raali gelinaynaa daahidii aanu shalay shirka kaga daahnay. shirku waxa uu ku soo biigmay xili adag oo dabka ka baxaaya gobolku gaadhay meel adag. Waxa xisbiga Kulmiye looga magan yahay in uu dabkaa baxaya bakhtiiyo oo uu Kulmiyo mushtamaca Somaliland, waxa dalkeena ka jira abaaro waxa inagu soo qaxay dad ka soo qaxay dhibaatooyinka ka jira dalka Somaliya, waxa hadaba xisbiga Kulmiye looga baahnyahay in aynu u diyaar garawno sidii aynu dalka uga saari lahayn dhibaatooyinka uu ku jiro iyo kuwa soo socdaba. Waxa aynu lanahay citiraaf, nasiib daro waxaynu ka dhaadhicin lanahay Aduunka oo dhan oo xitaa ay ku jiraan kuwii aynu isku diinta ahayn oo ay ku jirto kuwii Af-Somaliga aynu ku wada hadli jirnay oo ay Djabuuti ka midtahay. Markaa, yaa kale ee aynu wax u sheegi karnaa, taasina waxay u taala xisbiga Kulmiye in uu wax ka baddelo, waliba masuuliyiintayada qofku haduu doonayo inuu wax bedello isagaa iska bilaaba hadii aanu beenaale ahayn umadda ku qanciya waxaan jirin.” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi. “Ninkii xil doonaya ee shirka ka doonaya waxaa looga bahanyahay, in aynu wax walba wadada saxa ah ku dhamayno, waliba raga tartamayaa waa in ay ku qancaan codka kuwa laga helaana waa in ay qancaan oo aynu ka baxnaa inaga oo isku duuban anana waxa aanu cadaynayanaa in aanaan u kala eexan raga sharaxan waxa kale oo aanu diyaar u nahay in aanu figayno ciidi ku qanci wayda.”.
Gebo-gabo
Akhriste waxaa ka markhaati furi karaa inaad is weydiisay ujeedada aan khudbadahan dantii laga lahaa la soo dhaafay u soo qaatay, jawaabteeda oo koobanse anigoon ku siin, keliya waxaad kala soo dhex bixi kartaa haddii aad ku dabaqdo xaaladda siyaasadeed ee haatan labadan masuul ka dhex curatay, taas oo saansaankeedu dib inoogu celinayo maalmo badan oo la dhawrayay.
Hassan H. Keefkeef
Editor-in-chief
Hubaal Media