Hargeysa, (Hubaal) – Saraakiil ka tirsan waaxyaha fayadhowrka ee Somaliland iyo xubno ka tirsan ganacsatadda hoose ee caanaha xoolaha ayaa beeniyay in caanaha xoolaha ay ku ilaaliyaan daawooyin.
Idaacadda Radio Hargeysa ayaa barnaamij la xidhiidha Caafimaadka oo dhawaan ka baxay waxaa ku jirtay tibaax ka dayrinaysa Caanaha Xoolaha ee lagu iibiyo Suuqyadda Hargeysa. Iyaddoo Dhakhtar lagu waraysanayay uu ku dooday in qaar ka mid ah ganacsatadda hawshaas ka xoogsataa ay caanaha ku daraan Kiniino loogu talagalay in xanuunadda lagu daweeyo oo kaga ilaalinayaan buu yidhi inay dhanaanaadaan.
Si aanu arrintan xaqiiqadeeda u raadino waxaan aanu waraysiyo kala duwan la yeelanay qaar ka mid ah ganacsatadda Caanaha oo aanu shalay ku booqanay Xarunta ay ku leeyihiin Suuqa-gobanimo ee magaaladda Hargeysa.
Hooyo Maryan Axmed Ibraahim oo daddeeda ku sheegtay 45 Jir,. Islamarkaana, ilaa 1977-kii hawsha iibka caanaha ku soo jirtay ayaa ka mid ahayd haween kala duwan oo aan weydiiyay Waxaa ka jira arrintan waxaana ay tidhi. “Waa dacaayad sheekadaas Kiniinku. nagamana xumaadaanba Caanuhu oo Haddii ay dhanaan noqdaan faa’iidadii iyo tu kale ayaaba ku jirta oo waan Lulaa oo Subag ayaan ka sameeyaa. Dabadeedna Subaga iyo Caanahaba waan iibiyaa. Markaa, sabab aan Kiniin ugu daraaba ma jirto oo aan dadka ugu qariyaa. Ta kalle, waxa jira Geed Xooluhu cunaan oo la yidhaa Kalidii noole oo caanaha iyo Hilibkaba ka dhadhama oo qadhaadh, kaas baa dadka qaar u qaateen kiniin. Caanahana waxaa lagu illaalin karaa nadaafadda weelka lagu shubayo. Laakiin maxaa isu keenaya Kiniin iyo Caano. Iyaddoo aanu ognahay in haddii la badhxo oo lagu daro Caanaha wax kale ay xaaraan noqonayaan oo sidoo kale dadka wax yeeli karaan. Ma jirto arrintaasi” Sidaas ayay tidhi Hooyo Maryan.
wax ka weydiinay sida ay u illaaliyaan Caanaha iyo waxaa ka jira
Waan ka gudbay, waxaanan la xidhiidhay sarkiil ka mid ah waaxda Fayadhowrka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo dawladda hoose ee Hargeysba. Waxaanay Sidoo kalle sheegeen in aanay hayn qodobo muujin karra in caano Lagu daro dawooyin iyo inay dabagalo iyo baadhitaan toos ahba ku sameeyaan had iyo jeer xarumaha lagu kala gato waxyaabaha daruuriga ah sidaas darteed aanay qarsoonteen haddii ay jirto ama la hello cid wax ku noqotay caano oo la diiwaangeliyay.
Laba urur oo dadka Caanaha ka shaqeeya ay leeyihiin ayaa Hargeysa ka jira waxaana u diiwaan gashan Ilaa 3000 oo ruux oo qaarkood magaaladda Keenaan illaa 100 Jeerikaan oo Min 20 Litir ah kuwana Suuqa la wareegaan Caagad Shan Litir qaadda. “Nolosha anniga iyo toban caruur ah oo aan dhalayba waa ku filan-yihiin” Ayay tidhi. Waxaana ay intaas ku dartay in Caanuhu baddiyaa uga yimaadaan Itoobiya oo ay iyaddu gaar ahaan iibiso ilaa 10 Jeerikaan oo min 20 Litir ah. “Jeerikaankan waxaa la iga siiyaa 90,000 Sl-Shiling ana waxaan dib ugu iibiyaa Ilaa 100,000 S/L Shiling.” Sidaas ayay tidhi hooyo Maryan waxaana ay muujisay in kumanaan dad ah oo noloshoodu ku tiirsan-tahay ganacsigan uu saameyn karro haddii war aan la hubini baaho.
Somaliland kama Jiraan Warshado ka shaqeeya Caanaha oo ku illaaliya heerka ay ku soo baxaan. Sanadkii 2010 ayaa meel qiyaastii meel 30 Km dhinaca waqooyi ka xigta Hargeysa laga hirgeliyay Shirkad caanaha Loda oo Lis ah suuq keeni jirtay, taas oo aan sii shaqeynin muddo ka badan Laba sanadood balse, markiiba xidhantay.