Maxaa Ka Dhexeeya Dawladnimada, Doorashada, Reer-Miyiga Iyo Abaarta? W/Q: Prof. Maxamed Xaaji, A Political Analyst and Theoretical Innovator

0
54

Maxaa Ka Dhexeeya Dawladnimada, Doorashada, Reer-Miyiga Iyo Abaarta?

W/Q: Prof.  Maxamed Xaaji, A Political Analyst and Theoretical Innovator

Mawduucani waa mid kakan oo aad loo ilduufi karo, haddii aan si taxaddar leh dhinacyo badan loo ga faaqidin. Sidoo kale waa ammuur isku maran, haddana kala duwan oo hal su’aal huwan, filashaduna tahay in hal jawaab kaliya laga bixiyo. Si taasi ay u suura-gashana waxa aynnu adeegsan doonaa in su’aasha ay su’aallo kale inna fahamsiiyaan (answering a question with more questions).

Bal haddaba si taxaddir badan aynnu ugu dhaadhacno mawduuca, innaga oo cutub kasta sidiisa u fahmeyna, si ay innoogu fududaato in aynnu isku xidhi karno su’aasha mawduuca bar bilowga u ah iyo nuxurka doodda :-

Dawladnimo waa hanti in lihi ku heshiisay oo ku timi heshiis bulsho. Waana meesha awooddii ummadnimo, kartidii dadweyne, hantidii dalka, xooggii iyo caqligii muwaadinka la isugu geeyey. Waxa wada leh inta xuduudda dalku midaysay, waxa na mihim ah in si siman oo caddaaladi ku jirto dheefteeda loo wada maalo. Dheefta dawladnimadu waa amniga, caafimaadka iyo waxbarista muwaadiniinta, daryeelka bulshada, ka hor-taga aafooyinka dabiiciga ah iyo wax ka qabashada baahiyaha aas aasiga ah ee dadweynaha, horumarinta dhaqaalaha, iyo si guud u kobcinta garaadka ummada.

aqoonyahan-maxamed-xaajiDoorashadu waa qiimeynta dawladnimada shanti sano ba hal mar. In ay baahi tirtay shacabkeeda, oo ay fulisay wixii loo igmaday ayaa loo ga dan leeyahay doorasho. Dawladnimada iyo doorashada waxa ka dhexeeya halbeegga ah in shacabku dawladdnimada iska leeyahay. Doorashada ayaa caddayn u ah in dawladda uu shacabku leeyahay oo shantii sano ba hal mar uu soo dhisto, cidda uu rabana u cimaamado. Nasiib-darro se, intii nidaamka xisbiyada badan ay Somaliland ku jirtay mar walba waxa ay u ahayd muddo kordhin. Taasi na waxa ay keentay in shacabku qiimeyn dawladnimada ku sameyn kari waayaan.

Reer-Miyigu waa, qaybta ugu badan ee bulshada Somaliland, waxaa na ay gacanta ku hayaan hantida ugu weyn ee laf-dhabarta dhaqaale u ah waddanka waa xoolaha nool eh. Waa cashuur bixiyayaal, waayo waa iibsadayaal iyo iibbiyayaal. Waa xubintii halganka ee ugu weynayd taariikhda Somaliland, 1982-1991. Iyaga ayaa lagu qaxay, iyaga ayaa dagaallamay inta badan, iyaga ayaana marti-soorka u sameeyey dadkooda tabaaleysan wakhtigaa. Somaliland ta Itoobiya degani waa 98% sida xogta Itoobiya ay wakhtigaa sheeggaysay waa dad xoolo dhaqato ah oo Reer-Miyi ah.

Shanta nooc ee inta badan ay abaaruhu ummadaha u saameeyaan ta ugu dhibta yar ugu na fudud ayaa maanta dadkeena haysa. Waa nooca la yidhaa Meteorological Drought, oo ah in cirka roob xilli la filayey laga waayo. Laakiin marba haddii aynnu nahay dad xoolo dhaqato ah (Pastoralist Society) abaarta noocan ahi dhaqaalaheena aad bay u saameyn kartaa. Abaarta roob yaridu (Meteorological Drought) waxa ay keeni kartaa abaar kale oo ka halis badan oo nooceedu yahay saameyn dhaqaale iyo bulsho hor leh oo caydhowda.

Nooca abaartan waxa la yidhaa Socioeconomic Drought, dadka ay xooluhu ka madheen waxa ay dhaqaalaha ku noqdaan caqabad hor leh, oo bulshada noloshooda taabata. Xooluhu waa wax soosaar iyo kaalin dhaqaale oo dalkeenu leeyahay. Dhaqaalaha dalkeena qiyaas ahaan 13.5% ayey ka yihiin xoolaha iyo dadka miyiga ganacsigoodu. Arrintani waxa ay ka dhigan tahay in dawladdu ay ka heshay sannadkan oo miisaaniyadda dawladdu ahayd $362,517,393, in ay Reer-Miyiga iyaga iyo xoolohoodu sannadkan dalka gashadeen 48,939,848.1 Intaa waxa dheer saameynta kale ee dahsoon (indirect effect) ee ay dadkaasi dhaqaalaheena ku leeyihiin.

Marka xaal sidaa yahay, ee arrimuhu ay sida tan isku gu dabran yihiin, maxaa la gudboon ummadnimadeena? Ma in doorashada loo hakiyo dadkeena? Haddii loo hakiyo maxaa qorshe ah ee meel yaal ee lagu tarayaa dadkaa tabaaleysan? Cidda doorashada dooneysa in ay dib u dhigto qorshe dheer ma ka leedahay sidan se ma uga war haysaa xaalka? Mise awr kaliya ayaa la kacsanayaa oo la rabaa in Reer-Miyigu soo noqdaan si cod loo ga helo? Hadhawna halkaa lagu ilaawo? Haddii se doorashada dib loo dhigo wax-yeeladu ma ka yaraaneysaa dadkaa tabaaleysan ee miyiga joogga? Haddii aad qabto in ay ka yaraaneyso sidee ayey uga yaraaneysaa?

Su’aallahani ma aha kuwa culus, waa kuwa dhammaantood si isku mid ah amma isku nuxur dhaw loo ga jawaabi karo. Waxa se ay ku xidhan tahay in marka hore siyaasadda laga saaro oo si run ah loo daraasadeeyo. Haddii aynnu sidaa u daraasadeyno waxa innoo soo bixi doona jawaab fudud oo inna midaysa, haddii se cid waliba dhanka ay rabto ula kacdo, waxa hubaal ah in runta inta in badan laga foggaado, ay si dhib yar innoo dhaxalsiiso in garawshiyuhu yaraado.

Dadka baadiyaha joogga, dawladnimada waa ka badh dhinaca dheef keenka, dawladnimadu maxay iyaga dib ugu celisaa muwaadinniintaa waa su’aal iswaydiin leh, xidhiidhka dawladnimada iyo Reer-Miyiga ka dhexeeyaa waa mid sugan oo ah in ay dallada qarannimo guud iyo tan ogolaanshiyaha dawliga ah hadhsanayaan raalina ku yihiin.

Doorashada iyo dawladnimada waxa ka dhexeeya waa isla xisaabtanka shacabka iyo madaxdiisa. Halka ay abaarta iyo doorashadu ay iska saameynayaan kaliya marka ay habacsanaan dawli ahi timaado. Waana ta maanta inna haysata ee aynnu dhammaanteen ka dooddayno, innaga oo aan wali wax xal ah sheeggin ayeynu haddana dood kaliya ku soo koobnay abaar baa jirta e, yaan doorasho la galin!!!!!

Su’aasha mar walba mudan in aynnu is waydiino ayaa waxa ay tahay, ha jirto e, doorashada oo wakhtigeedii dib loo ga siqiyo, maxaa ku soo kordhaya ee u wanaag ah dadka abaartu ay saameysay? Haddii aaney waxba u soo kordhayn maxaa faa’ido ah ee aynnu dib ugu dhigaynaa doorashada? Cidda se rabta in dib loo gu dhigo ma haysaa qorshe intaa laga sii shaqeeyo oo keenaya in abaarta aynnu ka takhalusno si aaney sannadka danbe innoo saameyn?

Allaa Mahad Leh

Qalinkii:   Mohamed Hagi

A Political Analyst and Theoretical Innovator

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here