Maxaa ka Jira In Ay Wax Isku Yihiin Amiirka Cusub Ee Al-Shabaab Iyo Hoggaamiyihii Horre?

0
41

Baraawe (Hubaal) Hoggaamiyaha cusub ee Kooxda Al-Shabaab u magacawday Amiirka guud ee Al-Shabaab Sh. Axmed Cumar (Abu Cubeyda), ayaa inta laga hayo taariikhdiisa oo kooban aannu idiinku soo gudbinaynaa Warkeennan.

Inkasta oo aanu Abu Cubayda ahayn nin aad uga dhex-muuqday xubnaha Kooxda ee aadka loo yaqaan magac ahaan iyo muuq ahaanba, balse waxa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Qallaafe oo dhulka Ismaamulka Soomalida Ethiopia sannadkii 1970-kii, kuna soo barbaaray halkaas oo uu Waxbarashadiisa ku qaatay sida la weriyey. Sannadkii 1990-kii, ayaa wuxuu yimi Magaalo-xeebeedka Kismaayo, waxaanu ka noqday magaaladaas Macallin Dugsi Qur’aanka lagu barto oo aad caan uga ahaa magaaladaas.

abu-cubeyda-300x203

Muddo ka dibna wuxu ka mid noqday Ciidamadii Raaskambooni ee uu watay Sheekh Xasan Turki, kuwaasoo markii danbe ku biiray Maxaakiinta Muqdisho sannadkii 2006-dii, waxaana ay dagaallo qadhaadh la galeen Hoggaamiye-kooxeedyadii Muqdisho ka jiray iyo Ciidammada Dawladdii Federaalka Ku-meel-gaadhka ahayd ee Madaxweynihii geeriyooday ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab Axmed Cumar (Abu- Cubeyd), ayaa ka soo mid noqday Saraakiisha sar-sare ee dagaal-gelinta, waxaana uu sidoo kale soo noqday Guddoomiyaha gobollada Bay iyo Bakool ee Al-shabaab, waxaana uu ahaa gacanta hoose ka dib markey si hoose ay isu fahmeen Axmed Cabdi Godane burburkii Maxaakiinta ka dib. Abu Cubeyda ayaa waxa kale oo ay Saaxiib dhaw ahaayeen Axmed Cabdulqaadir (Isku-dhuuq) oo duqeyn Mareykanku ay ku dileen horraantii sannadkaan aynu ku jirno ee 2014-ka.

Mahad Cumar Cabdikariim oo hadda la baxay magaca Axmed Cumar (Abu Cubeyda) waxay Habro-wadaag yihiin sida qoraalkan taariikhdiisa laga helay lagu baahiyey Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamuud Godane, waxaana Axmed Godane Hooyadiis waxaa la yidhaahdaa Cibaado Warsame, halka Mahad Cumar Hooyadii lagu magacaabo Fadumo Warsame. Hooyooyinka dhalay ayaa Walaalo ah labadan hoggaamiye ee midna la dilay midna booskiisii buuxiyey. Godane iyo Abu Cubeyda waxa dhalay laba Gabdhood oo da’ ahaan isku xiga ama isku dhalasho xigay, waxaana weyn Abu Cubeyda Hooyadiis Faadumo.

 

Cibaado Warsame iyo Fadumo Warsame waxay qabiil ahaan u dhasheen Beesha Isaaq, gaar ahaan Garxajis, Habaryoonis, Raaska Reer Sugulle. Amiirka cusub ee Ururka Al-Shabaab ku caleemo-saarteen Baraawe, wuxuu qabiil ahaan u dhashay Beesha Bajamaal oo dadka qaarkiis ay ku sheegaan in ay la dhasheen beesha Biyamaal ee Dir.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here