MAXAA KA KHALDAMEY REER SOMALILAND MA QABYAALAD AYAAN QABYAALAD KU BADALAA.‏

0
38

barre adduunyomeedey xadaaradiiiyo ilbaxnimadii ? maxaa ka khaldamey reer Somaliland ? waa maxay halkudhegyada qabyaalada ah ee la isticmaalayaa? iyada oo lagu qorayo I am HY and proud, I am HA and proud ? waa maxay qabyaalada lagu ololeysanayaa. hadii xukuumada Siilaanyo ay bahasha garanka ka saarto waa ceeb qolyaha mucaaridkuna iney nigiska ka saaraan oo bahashii oo qaawanoo bilaa kastuumo ahi wadanka dhex cararto. bahashu waxay ku qurrux badneyd iyada oo macawisteeda iyo shaalkeeda iska wadata iney iska xaragooto.maanta reer Soomaliland waxaad moodaainey durba waxyaabo badan ay illoobeen. waxay ilowsan yihiin in qarrankani cadaw badan leeyahay. waxay iloobeen in Gaani maalin kelliya hargeysa ku dhex toogtey 84 qof laba cisho kadibna uu magaalada burcana uu ku toogtey 250 isugu jira ganacsatadii iyo labeentii bulshada reer somaliland. arimuhu hadii ay sidaa ku sii socdaan waxa dib loogu noqonayaa jaahiliyadii. inta leysku urursanayo qabyaalad , inta la sameysanayo hayado ku salaysan habro waxa idiinka haboonaan lahaa idinka oo sameysta hayado khaas ah ( speciel agents) ugaadhsada oo halka ay doonaan ku soo khaarajiya dadkii carruurtiina cuney.kuwii dadkiina xasuuqey. kuwaas oo aan xaq u lahayn iney dunida guudkeeda ku raaxaystaan idinka oo nool. imika iyo haatan hadii xisbiyadu dhaafi waayaan qabyaalada ay ku ololeynayaan waxa markhaati ma doon ah in bulshadu codkooda siin doonaan hogaamiyaha hada talada haya Axmed Siilaanyo. waayo qabyaalad qabyaalad kale kuma bedeli karro. si uu haddii uu doona toddobada sanno ee soo socda sidii madaxweyne Sharon uu qurruurad inoogu sii jirro. waayo doorkan ugu dambeeyey tallaabo geesinimo leh ayey ciidamadu qarranku qaadeen. waad arkeyseen yamyam iyo qadaad weyn sida ay kuugu soo ham iyo digleedahay. hase yeeshee marka aad dadka saamaxdo adiga ayaan eedooda iyo aafadooda ka baxsaneyn. ugu dambeyn reer soomaaliland waa iney u diyaar garoobaan dagaal dibada ah. maaha mid gudahooda ah oo habar habar ah.

 

allaa mahad leh

WACAYS AXMED MAXAMUUD

BARRE ADDUUNYO

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here