Maxaa Ka Soo Kordhay Hubka Culus Ee Ay Xukuumadda Somaliland Sheegtay Inay Ka Qabatay Degmo Aanay Carrabaabin Oo Ka Tirsan Gobolka AWDAL?

0
40

“Hubku Wuxuu Ka Kooban Yahay Laba Hoobiye, Rasaasta Hoobiyaha Iyo Buddada Loo Isticmaalo Waxyaabaha La Qarxiyo   Iyo Fuyuusyadii….Markaad Aragto Biro La Googooyay  Waxay Xidhiidh La Leedahay Kuwii Wax Qarxin Jiray”

ramaax iyo hubka la qabtay

Borama (Hubaal)- Ciidamada amaanka ee Somaliland, ayaa Xarunta gobolka Awdal ee Magaaladda Boorame ku soo bandhigay Hub iyo waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo maamulka gobolku sheegay in Ciidamada in mudo ahbabaadhis ku hayeen hubkaasi.  Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo shalay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa kaga hadlay Hubkaasi Ciidamaddu gacanta ku soo dhigeen, waxaanu isaga oo sheegay in hubkaasi iskugu jiray noocyo ay ka mid yihiin Bambooyin, Hoobiyayaal, iyo Baaruuda Budada ah ee loo isticimaalo Qaraxyadda.  Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo arintaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Hubku wuxuu ka kooban yahay laba hoobiye, Rasaasta hoobiyaha iyo budada loo isticmaalo waxyaabaha la qarxiyo oo dhawr nooc iskugu jirta, iyo fuyuusyadii qalab noocyadaas ka kooban weeye” ayuu yidhi BBC-da u sheegay Mr Ramaax, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ku qabanay tuulooyinka xagga buuralayda xiga ee gobolka Awdal tuulo ka mid ah, waxaanuna ku ogaanay dee dalku sirdoon buu leeyahay, Ciidan boolis ah buu leeyahay, ciidan military buu leeyahay, dawladdiisa ayaa heegan ah oo ka soo horjeeda waxyaabahan oo kale runtii” Mr Ramaax oo sidoo kale la waydiiyay in hubkaasi u socday Kooxda Suldaan Wabar iyo in kale waxa uu ku jawaabay “Markaan warbixin hor dhac ah oo xaqiiqo ah ku siiyo qoladaas iyo hubkani wax xidhiidh ah oo ay leeyihiin ma jirto, tani waa arrin kale oo aad adiguba ka war hayso, markaa waxa weeye qaabka hubka la isticmaalayaa wuu kala duwan yahay, markaan inyar warbixin ku siiyo anigoo waliba ahayn Booliska oo faahfaahin badan bixin doona haddana markaad aragto biro la googooyay waxaas qoladan(Kooxda Wabar) xidhiidh ma leh, ee waxyaabihii awal ba geeska ka jiray ayay xidhiidh la leeyihiin, markaa annagu kooxna ma magac dhabayo ee waxay xidhiidh la leedahay kuwii waxqarxin jiray”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here