Waxay ahayd wakhti duhur ah waxa makhaayad soo gallay wasiir ay la socdaan laba masuul oo kale, waxaanay fadhiisteen goob aan wax badan naga fogeyn, haseyeeshee waxa meeshii soo gashay haweenay miskiin ah oo maskaxdda ka xanuunsanayey, isla markaanka dadka lacag waydiisata, waxaanay markiiba soo jiidhay askarii ilaalinayey wasiirka, waxaanay si deg deg ah u tidhi “wasiir maalin walba askarigaaga ayaa iga kaa celiyee maantaan nasiib ku hellee wax ii dhiib”, wasiirkii ayaa ugu celiyey qadee, ka dibna waydiiday waxay tidhi caruurtii baan ula tagayaaye bal wax hagaagsan noo dhiib maanta, iyagoo hadalka isku celcelinaya iyada iyo wasiirku ayaa nin wasiirka u dhowaa shan boqol oo shilin u dhiibay wasiirka si uu iskaga furfuro haweenayda, laakiin gabadhii ma qaadan lacagta waxayna tidhi “Wasiir intaas kaa qaadan maayee wax hagaagsan noo dhiib” ayey dhawr jeer ku celcelisay, wasiirka ayaa inankii hoteelka ku yidhi “waar toban kun sii”, iyadii baa tobankii waxba u arki wayday oo tidhi “Wasiir haddii aanad toban dollar iiga dhigeyn labaatan kun uun iiga dhig, waa markii igu horeysay ee aan jaanis kuu helaye ee aan wax ku waydiiyey”.
Dadkii madasha joogay wuu isku daawanayaa, qaarkoodna way qoslayaan, haweenaydu waxay ahayd gabadh aftahan ah oo ilaahay miyirkii ka qaatay, laakiin wasiirku wuu ku adkaystay inuu tobankii kun ee shilin siiyo, laakiin in badan waxay ku celcelisay in aanay qaadanayn ee uu uga dhigo labaatan kun, haseyeeshee markii ay aragtay in aanu dan iyo muraad ka lahayn hadalkeeda ayey tidhi “Waar gacan adagaa bal intaaba isii markii horaba maan haysan” intay tobankii qaadatay ayey wasiirkii ku soo noqotay iyadoo dadkii kale maqashiinaysa, “labadii qof ee wax isa siisin lahaaba qof saddexaad oo carqaladeeya la waayi maayo, bal wiilkan shanta boqol la soo orday ee wasiirka u dhiibay eeg, waar wasiirkaan wax waydiisanayee maxaad shanta boqol ula soo carartay” ayey tidhi markasay iska baxday.
Muddo ayey muran iyo isii iyo toban qaado la isku haystay, haseyeeshee haweenayda xanuunsanysa waxay ka biyo diiday in wasiir ka qaadato toban kun iyo wax ka yar, haseyeeshee markii uu u bixi waayey ayey dani ku kaliftay inay iska qaadato, inkastoo markii hore amaan iyo ducaba iskugu dartay laakiin amaantii iyo ducadiiba toban kun wuu dhaafin kari waayey.
Haweenaydu waxay markiiba dhaliishay askarigii ilaalinayey wasiirka oo ay tidhi “waar noo bannee marka aanu madaxdayada aragto aanu wax waydiisanee” iyo ninkii kale ee saddexaad ee aan wasiirka meel u dhowaa fadhiyey ee inta uu soo kacay shanta boqol wasiirka u dhiibay si uu gabadha iskaga siiiyo, waxay ku tidhi “ labadii qof ee heshiin lahaaba qof saddexaad oo soo kala dhexgalla laama waayo, waar wasiirka wax baan waydiisaynayee maxaad shanta boqol ula soo ordaysay”, labadaaasi odhaahood waxay ku tusayaan xigmadda iyo sida ay markiiba hadalka u heshay, iyadoo labadda qof ka gar heshay, midkoona jawaab u celin kari waayey.
Waxa xusid mudan inuu hadalka qaatay masuulkii wasiirka la socday oo meherada lahaa waxaanu ku yidhi “ Naa ma shaqaysan oo baryadan ma iska deyn”, markiiba waxay ugu jawaabtay “haaye wax ii dir miyaaan meherada ku masaxaa”, masuulkii baa ugu celiyey “laakiin waad hadal badan tahay ma shaqaysanaysid”, iyadii baa markiiba hadalka ku soo noqotay oo tidhi “waar shaqo ma ii haysa an ku shaqeeyaa ama hadalka naga daa”ayey iska baxday.
Si kastaba ha ahaatee, dadweynihii makhaayadda fadhiyey waxay wakhti kooban isku daawanayeen haweenaydan aftahanka ah iyo wasiirkan Bakhaylka ah waxa dhex maray.
Waxaa Qoray Barkhad-ladiif Maxamaed Cumar