Maxaa Laga Filan Karaa Shirarka Food-Saarada Looga Dhigay Dhaqanka Ee Siyaasigu Dabada Ka Riixayo?

0
78

W/Q: Maxamed Iid Dhimbiil- La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada

maxamed iid dhimbiil

“Shir dhaqan marka laga hadlayo, waa mid   khuseeya dhaqanka, sida mid laysku weydiisanayo hablo ama waa shir lagaga  hadlayo nabadayn iyo xurguf dhex taalla  beello isku dhacay, isku dhacaas sababo badan ha ku yimaado sida qardoofooyinka dhulka, deegaanka, xoollo  la kala dhacay, dumar la kala qaatay aarsi ama dad  la kala dilay. IWM. Haddaba marka la doonayo in la xalillo arrimahaas ayaa la qabtaa shir dhaqan, waxaase su’aal ah yaa qaban karaya shirka noocaas ah.

Yaa qaban kara shir dhaqan?

Shir dhaqanka khuseeya waxaa iskugu yeedha odayaasha dhaqanka, salaadiinta, cuqaasha, guddiyo ay reeruhu yeeshaan oo u gartaan in ay amuuraha reerka iyagu ka taliyaan arrimahooda.

Waxaa mudan in la xuso kolba shirka dulucdiisu inta ay leegtahay iyo in lays weydiiyo cidda looga baahan yahay in ay kasoo qayb galaan ama ergooyinka shirka noqdaana.

Cidda  looga baahan yahay in ay ka soo qayb galaan shirka noocaas oo kale ah  waxaa ay ku xidhan tahay hadba cidda uu khuseeyo ama arrimaha laga hadlayo cidda u faro dhuudhuuban ee arrinkaa la bidayo in ay dhamayn karto. Matalan haddii uu shirku yahay mid lagu kala qaadanayo mag oo loo baahan yahay in ay goobta yimaadaan dad xeerarka wax ka yaqaanna, bal ka waran haddii ay shirka ka soo qayb galaan dhalinyaro aan waxba ka garanayn amuuraha shirku ku saabsan yahay isla markaana aan aqoon wax xeer ah oo la xidhiidha magaha. Miyaanay arrintu noqonayn [ Cudurkii fardaha ku dhacay ee dameeraha laga gubay].

Sidaasi awgeed waxaa habboon in shirka ay ka soo qayb galaan cid xog u haysa waxa lagaga hadlayo ee ajendihiisu yahay.

Haddaba door intee le’eg baa uu siyaasugu ku yeelan karaa shirka noocaas ah ee lagaga hadlayo arrimo dhaqan.

Doorka siyaasiga ku yeelanayo  qabsoomida shirka dhaqan ee aynu soo xusnay ama soo qeexnay qaababka uu ku yimaado  iyo cidda keliya ee soo qaban qaabinaysa. Haddaba waa yaabe  waxaa is weydiin mudan goorma ayuu siyaasigu noqday kii ku dhawaaqi laaa shir dhaqan ama ka hadli lahaa isagu. Waxaa cad oo aan su’aal lahayn shirka uu siyaasi ka dembeeyo ee dhaqan lagu sheegayaa ma noqonayaa mid lagaga hadlayo arrimo dhaqanka khuseeya,  jawaabta  akhristeyaasha ayaan u deynayaa, waxaase biyo kama dhibcaan ah in in shirka siyaasigu dabada ka riicayaa uu food  saaro u noqonayo  cidda ka dembeysa oo sallaan looga dhiganayo dhaqanka dulucdiisuse ay tahay ta aynu naqaanno.

Alla Mahad  Leh

Maxamed Iid Dhimbiil

La Taliyaha arrimaha bulshada ee Madaxweynaha Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here