Maxaa Lagaga Hadlay Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland?

0
16

Hargeysa (Hubaal) – Golaha wasiirada Somaliland ayaa fadhigoodii 82aad waxay kaga hadleen arrimo la xidhiidha xoojinta amniga gudaha iyo kor u qaadidda siyaasadda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.

 

War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-

 

Fadhigii 82aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa war-biximo lagaga dhagaystay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

 

Waxaana goluhu ka wada hadlay arrimaha xoojinta amniga Dalka oo goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay.

 

Warkaas waxa kale oo lagu sheegay in goluhu lafo-guray dardar-gelinta siyaasadda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here