Maxaa Lagu Qabtaa BARKULANKA TAAGEERAYAASHA XISBIGA KULMIYE?

0
292

Waa goob ay ku kulmayaan, laga abaabulayo oo laga hawlgelinayo taageerayaasha Kulmiye. Barkulankan oo ah goob ay u dhanyihiin dhammaan qalabkii shaqo iyo tignoolojiyadii hawlaha lagu fulinayay, waxa ka hawlgala 30 aqoonyahan iyo farsamo yaqaan oo dhamaantood mutadawiciin ah loona yaqaan. DIRANAYAASHA.

Hawlaha BARKULANKA lagu qabto waxa ka mid ah:

  1. Diiwaangelinta taageerayaasha Xisbiga ee mutadawiciinta ah ee jecel inay qayb ka qaataan ololaha, loona tilmaamo xafiisyada xisbiga ee gobolada ee ay ka hawlgeli karaan. Waxa so gaar ah loogu tababaraa mutadawiciinta xisbiga ee ololaha ka qeyb qaadanaya oo dhan 9,000 oo mutadawac oo ka hawlgeli doona gobolka maroodi jeex.
  2. In lagu soo dhaweeyo aqoonyahanka, ururada dhalinyarada, iskaashatooyinka iyo shakhsiyaadka jecel inay ku soo biiraan xisbiga Kulmiye. Waa xarun furan oo ay taageerayaasbu ku soo hiran doonaan kuna kala warqaadan doonaan. Waxa sidoo kale laga hawlgelin doonaaururada bulshada iyo kooxaha dhalinyarada ah ee is abaabula, waajibna lagu siin doonaa. Iyana wixii talooyin ah ee taageerayaashu rabaan inay xisbiga u gudbiyaa ayaa lagaga dhageysan doonaa.
  3. Waxa lagu qabtaa kulano lagu faafiyo Barnaamijka iyo wararka kale ee muhiimka ah.
  4. Waxa isku barta taageerayaasha Xisbiga ee dalka jooga iyo kuwa dibedda ka yimadda oo aqoona ku kala korodhsada.
  5. Taageerayaasha Xisbiyada kale ee soo booqdana waa lagu soo dhaweeyaa shaah wanaagsan iyo biyo qabowna waa lagu sooraa.

W/Q: Maxamed Cali Bile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here