Maxaa Sabab U Ah Guusha Muuse Biixi Ku Noqday Madaxweynaha Shanaad Ee Somaliland?

0
333

Hargeysa(Hubaal):- Inkastoo uu guddiga doorashadu 10 maalmood codbixinta ka dib ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay, misna saadaal badan ayaa dhankaas u janjeedhay; kaliya waxaa laga dhawrsanayey in afka la soo mariyo bacdamaa aan natiijo rasmi ah lagu dhawaaqin. Haddaba maxaa guushiisa fududeeyey?

Siyaasad iyo dhaqan;

Midda ugu horraysa ee aanu muran ka taagnayn waa codadka la dhiibtay oo musharraxa xisbul-xaakimka uu ka helay ……………………..%.

Wuxuu si wanaagsan oo weliba xeeladaysan u adeegsaday ololihiisa oo uu u isticmaalay hannaan siyaasadda iyo dhaqanka oo la isku dhafay. Tusaale ahaan, beel aan aad u taageersanayn, dhalasho ahaanna ay u siman yihiin isaga iyo ninka ay aadka isku hayeen ee C/raxmaan Cirro ayaa deegaan ay xoog lahaayeen waxaa lagu dhagaxyeeyey gaariga Muse Biixi (lama hubo inuu saarnaa).

 

Gogol ayuu u dhigtay isagoo xaal ka dalbaday maadaama aanay labada murashaxba beesha ka tirsanayn, wuxuuna ku saleeyey eeddiisa in isaga laga hiilliyey oo sabab la’aan lagu dhagaxyeeyey.

Markii la ogolaaday in la xaal mariyo ayuu yiri “waad mahadsan tihiin lacagna idinkagama baahni laakin igu xaal mariya codkiina oo isaga I siiya” waxaa la aaminsan yahay in beeshaas u codad aad u badan sidaa uga helay. Isla xagga dhaqanka oo siyaasadda Somaliland ay ku qotontana waxaa abtiyaal u ah beesha uu ka soo jeedo murashaxa mucaaradka.

Taageerada madaxweynaha xilka ka degaya iyo xisbiga talada haya ayaa kaalin weyn ka cayaaray inuu soo baxo.

Dagaalkii SNM;

Waa nin Somaliland sumcad kaga dhex leh dagaalkii SNM oo uu ka mid ahaa raggii jabhaddaas soo hoggaamiyey. Sidaa awgeed bad badan oo reer Somaliland ah ayaa Biixi u arka in uu yahay in u soo halgamay, taasi oo uu codad badan ku kasbaday.

Go’aan adeyg;

Dabeecad ahaan waa nin furfuran oo dadka yaqaanna ay ku tilmaameen in uu yahay nin la fahmi karo, waxna fahmi kara. Waxay kaloo ku tilmaameen inuu yahay nin go’aan adag oo aan ka laaban waxa u go’aansado. Taasi waxay keentay in uu isagu toos maamusho ololihiisa.

 

Xigasho BBCSomali.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here