Maxaa Sababa Sixir Bararka?

0
308

gld1

❶Wax soosaarka oo yaraada: Ummadi waxa ay ku nooshay waxa dhulkeeda ka soo go’a ama ay kala soo baxdo khayraadka badaheeda, wixii la soo dhoofsadaa waa laba uun; in lagugu guumaysto caawimo lagu siiyo oo khalkhala galiya ganacsiga beeralayda yar yar suuqa ku cidhiidhya ama in ganacsatadeena lagu qaaliyeeyo waxa laga soo iibiiyo iyaguna dib bulshada ugu sii qaaliyeeyaan.

❷Shilinka oo suuqa ku soo bata: Mushaharaadka shaqaalaha dawlada, lacagaha qaadka, ta xoolaha iyo lacago kale oo shilin ah oo mar kaliya dadku suuqa ku soo daabulaan si loogu badalo dollar iyo bir waxay keentaa hoos u dhac ku yimaada lacagta qaranka maadaama ay sarifkeeda jaangoynayaan ganacsatada iyo sariflayaasha waa taas oo aanu banigaga dhexena faragin toos ah ku samayn Karin.

❸Shaqada bangiga dhexe oo meesha ka baxda: Shaqada aasaasiga ah ee bangiga dhexe waa inuu xaddido qulqulka lacageed ee qaranka, hogaamiyo siyaadda lacageed (monetary policy), ku maamulo bangiyada ganacsi xeerarka sharci dajintu meel marisay, isla markaana xaliyo qulqulatooyinka dhaqaale (financial crisis).

❹Sarifka oo is badbadala: Markasta oo lacagteena si raqiis ah ugu badalabo lacagaha qalaad, ogow lacagteenu way qiimo beeshaa, maadaama oo ay lacagteenu qiimo beeshana waxa aynu wax ku soo dhoofsanaa lacago badan, halkaasna waxa ka dhasha sixir barar soo dhoofsi badeecaadeed (Imported inflation).

❺Ribada oo la xalaashado: Dulsaarku(Interest) waxa uu markasta caqabad ku noqdaa la amaahiyaha oo marar badan caqabado ka soo waa jahaan soo celinta lacagtaas dulsaarku ku lamaan yahay taasoo aakhirka keenta in la xaraasho hantiyo badan oo muwaadiniintu lahaayaeen, waxa kale oo iyana jirta in markasta oo la bangiyadu shaaciyaan inay bixiyaan lacago cadaan ah waxa badata qaadashada lacagahaas dulsaarka, taas oo suuqa ku keenta mid amaah ku dhisan oo wax kala iibsigu ku yaraado.

❻Kharashaadka dawlada een daruuriga ahayn: Kharashaadka dawlada (government expenditures) ee aan daruuriga ahayni wuxuu booska ka cidhiidhsadaa kharashaadkii lagu kafaynlahaa adeegyada bulshada si muwaadiniintu si bilaash ama lacag raqiis ah ku fushan lahaayeen adeegyada bulsheed sida caafimaadka, warbarasha, IWM. (Kharashaadka dawlada ee aan daruuriga ahayn waxa ka mida safarada badan, xafladaha joogtada ah iyo kaambaynada doorashada oo kolba xisbiga xukuumiga ahi ku takrifalo miisaniyadda dawlada).

La soco qaybta 2aad iyo (Saamaynta uu leeyahay sixir bararku).

©Guleid Ali Jabane.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here