Maxaa Sababay Dib-u-dhaca Mar kale ku yimi Fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta loo ballansanaa?

0
54

Hargeysa, (Hubaal)- Kalfadhiga 26aad ee Golaha Wakiillada oo loo ballansanaa inuu dib u furmo maanta Salaasa ah, ka dib markii uu dib-u-dhac ku yimi Sabtidii todobaadkan oo goluhu furmi laha, kaas oo Golaha guurtidu dhex-dhexaadin ka gashay mooshin ka dhan ah Gudoomiye Cirro oo xildhibaannada muxaafadka golaha hor keeneen, ayaa dib loogu riday maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe.

Shirguddoonka-Golaha-WakiilladaDib u dhaca kalfadhiga Golaha Wakiillada, ayaa ku yimi ka dib markii ay wax natiijo ahi ka o bixi weyday dhex-dhexaadin Guddi ka kooban 13 xubnood oo Golaha Guurtida ah loogu xil-saaray xalinta khilaafka ka dhashay Mooshinka mudaneyaasha Muxaafadka ahi golaha keeneen, kaas oo ku muddeysnaa in mudd laba maalmood ah fadhiga dib loogu dhigo ilaa Salaasada maanta ah. Hase yeeshee Guddiga khilaaf-saarka Guurid ayaa la sheegay inay codsadeen in mar kale dib loogu dhigo fadhiga golaha inta ay dhegaysanayaan cabashada laba dhinac ee mucaaradka iyo Muxaafadka Golaha Wakiillada oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo labadiisa guddoomiye ku-xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf oo isku-dhinac.

golahaGuddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Cali Yuusuf oo xalay khadka telefonka ugu xog-warramay Himilo, ayaa sheegay inay dhinacooda ka aqbaleen codsi Guddida Guurtida kaga dalbatay in dib loogu dhigo fadhiga Golaha inta ay dhegaysanayaan cabashada labada dhinac oo Guddigu ka dalbatay inay qoraal ahaan ugu soo gudbiyaan, sidaasna ay ku ayideen in fadhiga dib loo dhigo ilaa Sabtida todobaadka soo socda.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo aanu dhinaciisa wax ka weydiinnay dib-u-dhac mar kale ku yimi fadhiga golaha, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrintan.

Guddiga khilaafka-saarka muranka sharci ee Golaha Wakiillada oo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan u saaray Sabtidii todobaadkan, ayaa laga filayaa inay natiijo labada dhinacba ku qancaan ka soo saaraan muranka taagan ka hor inta aanu furmin fadhiga Golaha Wakiillada.

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here