Hargeysa – (Hubaal)- xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in dib u dhac ku yimi shirkii golaha dhexe ee hore loo mudeeyey.
Xoghaya guud ee xisbiga WADDANI ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in uu dib u dhacay shirkii golaha dhexe ee hore loogu mudeeyey in uu qabsoomo bisha tobnaad kowdeeda ilaa labadeeda ee sanadkan aynu ku jirno, xoghaye maxamed cabdillaahi uurcade wax sabab ah oo dib u dhaca keenay oo lagu qanci karo kumuu sheegin war-saxaafadeedka uu soo saaray, laakiinse waxaa shirka golaha dhexe dib loo dhigay muddo gaadhaysa toban cisho oo ka bilaabmata 1-da bisha tobnaad ilaa 10-keeda.
War-saxaafadeedka uu xisbiga WADDANI soo saaray ayaa u dhignaa sidan:
Iyada oo Guddiga Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI hore u iclaamiyey in shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsoomayo 1-2 October, 2016.
Waxaa lagu war-gelinayaa dhammaan Laamaha dibedda, gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xubnaha Golaha Ghexe ee Xisbiga WADDANI in arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay qabshada shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI 10-11, October 2016
ALLAA MAHAD LEH
_________________________________
Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcade
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI