Faa’idooyinka Laga Dhaxli Karo Shir-weynaha Horumarinta Tiknoolajiyadda Oo Markii Ugu Horeysay Somaliland Ka Qabsoomay
Hargeysa (Hubaal):-Madaxwaynaha Jsl Ayaa Bilowgii Dhismaha xukuumadiisa wuxuu wax ka badalay qaabdhismeedka qaarka mid ah wasaaraddaha dawlada isagoo sameeyay wasaarado cusub iyo qaar uu ku daray qaybo kale, wasaaradda isgaadhsiinta iyo Technolajiyad Somaliland waxay kamid Tahay wasaaraddaha uu Wax kusoo kordhiyay iyadoo hore u ahayd wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta, halka iminka ay ka tahay Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda jsl,
Madaxwayne biixi ayaa wasaaradda U magacaabay masuuliyiin leh aqoonta ay u baahan tahay in lagu hago kuwaasi oo uu hormuud ka yahay Wasiir Dr Cabdiwali sheikh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo Aqoonta ICTga ku diyaariya Shahaadada PHD.
Wasaaradda isagaadhsiinta iyo Technolajiyada jsl ayaa mudadii ay jirtay waxay ku talaabsatay Arimo door ah kuwaasi oo Qaranka mihiimad wayn Ugu fadhiya.
Waxaana kamid in Markii ugu horeysay Mudo 28sano Ay Wasaaradda isgaadhiintu Qabato Shirweynaha horumarinta Technolajiyada Jsl iyo sidoo kale Carwo Ay Shirkadaha ka shaqeeya isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalku kusoo bandhigeen badi adeegyada kala duwan ee ay bulshada u qabtaan iyo horumarka la taaban karo ee ay ka sameeyeen dhinaca isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda dalka. Taas oo yididiilo wax ku ool ah ku abuurtay guud ahaan ganacsatada ka shaqeeya dhinaca tiknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta dalka, kuwaas oo doodo iyo afkaaro lagu horumarin karo lagulana tartami karo dalalka ka horumaray tiknoolajiyadda isku waydaarsaday intii uu socday shirweynahan lagu qabtay Gudaha caasimada hargeisa iyadoo gabo gabadiina laga soo saaray War-murtiyeed Xanbaarsan Maxsuulka kasoo baxay shirwaynaha,
Waxyaabaha kale ee ay Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda iyadoo ka duulaysa horumarinta Technoljiyada dalka waxay hirgalisay siyaasada dawlada ee arimaha technolajiyada taasi oo ay si fudud u xidhiidhayaan wasaaraddaha kala duwan ee xukuumadu ka kooban tahay.
Sidoo kale iyadoo wasaaradda ka duulaysa tayaynta Adeegyada shirkadaha kala duwani ay bulshada u qabtaan sidii loo heli lahaa kuwo tayo leh, waxay dalka keentay Qalab lagu kaantaroolayo tayada taawarada iyo ogaanshaha cashuurta ku waajibtay shirkadaha Isgaadhsiinta iyo xadiga adeeg ee ay bulshada u qabteen iyo ka dhaqaale ee uga soo xerooday oo ay ku lamaan tahay cashuurta dawladu.
Waxaana Shirkadaha Waaweyn ee isgaadhsiinta iyo Wasaaradu isla gorfeeyeen duruufaha kala duwan ee ku xeeran helista adeegyo bulshada kaafiya iyo caqabadaha hortaagan, haddii ay tahay dhinacyada kala duwan ee internetka iyo telefoonadaba.
Wasaaradda isgaadhsiinta ayaa sidoo kale mudadii ay xukuumada madaxwayne biixi talada haysay hirgalisay in laga Shaqaysiiyo adeega boosaha oo dalka iyo shacabka aad ugu muhiim ah.
Kulamadan iyo Shirarka noocan oo kale ah ee ay isugu yimaadaan ganacsatada isgaadhsiinta iyo laamaha dawlada oo matalaya shacabka ayaa noqonaya kuwo la odhan karo waxay wax-weyn ka tari doonaan sii horumarinta adeegyada dhinaca isgaadhsiinta, haddii ay tahay telefoon iyo internetba, taas oo imika wakhtigan la joogo ay dunidu noqotay mid marba marka ka danbaysa si xawliya uga sii horumaraysa, una baahan in lala jaanqaado, iyadoo taasi aaney ka fursaneynin kulamo la joogteeyo oo ay isugu yimaadaan dhinacyadan ka wada shaqeeyaa.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo ah Masuul Khibrad buuxda u leh aqoonta Dhinaca isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ayaa isagu golayaasha Sharci dajinta horgeeyey abuurista qorsheyaal lagu sii horumarinayo Isgaadhsiinta dalka, iyo abuurista dadaalo kor loogu qaadayo.
Isku soo duuduuboo Talaabadan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadu Ay Kagaga duuulayso sidii loo sii horumarin lahaa dhinaca isgaadhsiinta ee dalka ayaa Noqonaysa markii ugu horyesay ee shirweyne lagaga arrinsanayo arrimaha tiknoolajiyadda lagu qabto dalka somaliland,taas oo ay ka wada shaqeynayaan Shirkadaha iyo Wasaaradda isgaadhsiinta oo Xukuumada U Qaabilsan.
Waxqabadka wasaaradda isagadhsiinta iyo technolajiyadu kuma Koobna inta oo kaliya balse waxay qodobadan aynu kor kusoo Xusnay Gudhig u Yihiin guulaha waawayn ee wasaaradda ku talaabsatay mudada labo sano ah.