Maxaa U Sababa In Dalalka Aynu Jaarka Nahay Iyo Beesha Caalamkuba Dib Ula Laab-Laabtaan Xidhiidhadoodi Diblomaasiyadeed Ee Ay La Lahaayeen Somaliland

0
40

Hargeysa(Hubaal) -Mudooyinkii danbe waxaa si aad isu soo taraayey isfahmi waa dhinaca Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Xukuumada uu hogaaminaayo Madaxweyne Siilaanyo iyo Wadamada aynu dariska nahay ee Itobiya iyo Jabuuti iyo sida oo kale beesha Caalamka ee sida xooga ah u danayn jirtay arrimaha Somaliland.

Dalalka itoobiya iyo Jabuuti oo ahaa lama huraanka ay Somaliland wehelka koowaad ka dhigan jirtay ayaa ah kuwo hada bilaabay in ay go’doomin diblomaasiyadeed ay kula dhaqmaan Somaliland ka dib markii  uu hoos u wiiqmay xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Wadamadan aynu Jaarka nahay.

saylici1

Itoobiya oo ah dal si aada u baaxad weyn oo uu inaga dhaxeeyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo yeelan kara mid dhaqaale iyo mid danaysiba ayaa tan iyo markii qaar kamida diblomaasiyiin Itoobiyaana ay Masuuliyiin iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan gobalka gabilay ay qaab ka baxsan hanaanka dhawritaanka shuruucda caalamiga ah ee diblomaasiyiinta ay baadhitaano ugu sameeyeen warbixino ay soo ururinayeen muddo ka badan 4-sano.

Arrintan ayaa dhirbaaxo xoogwayn ku noqotay dawlada Somaliland iyada oo ay dawlada Itoobiyana ay si xooga u cadhootay in la baadhay xogihii ay u soo ururinayeen diblomaasiyiintii ay diratay,waxaana markiiba raaligalin in ay ka soo bixiyaan u baxay Wasiirka Arriha Dibada Maxamed Biixi Yoonis balse waxaa ay noqotay mid aanay madaxda sarsare ee dalka Itobiya ku qancin raali galintaasi.Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna ka dib waxaa uu u ambabaxay dalka itoobiya si uu isna uu dawlad itoobiya uga raali galiyo qaladka ku dhacay diblomaasiyiintooda sida oo kalena uu ugu soo qanciyo in ay talaabo ka qaadayaan dadkii ka danbeeyey ama ku luglahaa arintani.

Muddo todobaado ah ka dib ayaa dawlada Itoobiya hadana ay si kadis ah ugu yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde si ay wax uga waydiiso in la fuliyey talaabooyinkii ay ka qaadayeen dadkii  falka xun ugaysatay diblomaasiyiintoda,waxaana ay jawaabtii uu Wasiir Warancadde uu bixiyey noqotay mid aan dawlada Itoobiya ku qancin maadaama aan ilaa hada wax talaabo ah aan laga qaadin dadkii ka danbeeyey ama ku lug laha arintan.

Dhinaca kale dalka isna aynu jaarka nahay ee Jabuuti oo uu isna sida oo kale inaga dhaxeeyo Xidhiidh soo jireen ah ayaa qaraxii ka dhacay 24-kii bishii May waxaa uu keenay in baadhitaano ka dib la ogaado in dadka qarax ka qayb qaatay ay muddo dhawr iyo toban cisho ah ay ku sugnaayeen Magaalada Hargeysa.Xukuumada Jabuutina ay ka dalabtay in si dagdag ah loga soo jawaabo arintani.

Si  kastaba aha ahaatee arimahan ayaa Dawlada Somaliland dhaxal siiyey in Xidhiidhadii diblo maasiyadeed ee Ka  dhaxeeyey  Somalind iyo dalalka la dariska ah ay noqdaan kuwo si dagdag a isu soo Xidha.

Waxaana ilaa hada lagu soo warinayaa in dawlada Itoobiya iyo Jabuuti ay joojiyeen in dalalkooda lagu galo passport-ka Somaliland oo ahaa labada dale qudha ee sida tooska ah loogu gali jiray Passport-ka Somaliland,waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in dawlada Safaarada Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa ay joojisay ku dhafashada Fiisaha galitanka eedalka Itoobiya cida sida ta Passport-ka Somaliland,waxaana dal ku galka qudha ee hada lagu gali kara dalka itoobiya uu hada yahay Musdabaqaha Itoobiya oo muujinaaya in uu yahay qof udhashay dalka Itoobiya.

Beesha Caalamka ayaa iyadun dhankeeda Somaliland Culays diblomaasiyadeed saartay tan iyo markii ay Ciidamada Somaliland ee ay la wareegeen gacan ku haynta Dagmada Taleex ee ka tirsan Gobalka Sool,hanjabaadona Somaliland u soo mariyey hawada si ay uga baxaan dagmada Taleex,gaar ahaan Maraykanka,Ingiriiska,Iyo Midawga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee arimahani aadka u layaabka badan ayaa ina tusin kara sida ay Xukuumada haatan talada dalka haysaa ay u noqotay mid iska ilowday hanashada Xidhiidhadhada diblomaasiyadeed ee dalalka aynu jaarka nahay iyo Beesha Caalamkaba,waxaana ay Xukuumada Siilaanyo ay noqotay mid kaliya ka adkaata uun in ay ka shaqayso dana gaara oo ay ku adeeganayaa ashkhaas mucayina,halka sida oo kalena shicibka Somaliland lagu ilawsiiyey wadooyinka la nabnabaayo.

Faallo: ramaasnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here