Male-awaalku waa awood dabiici ah oo ku jirta caqliga aadamaha. Waxa lagu abuuraa afkaar, waxaana lagu soo gudbiyaa sawirro kala jaadjaad ah oo macnaynaya duni ayaynnaan arag iyo waxyaabo dhammaantood ama qaarkood aanay dhici karin. Waa arrimo had iyo goor ku dhisan ogaalka iyo dareenka caqliyadda ama ka fikirka caalam kale. Dadku hibada caynkaas ah ma wadaagaan.
Halabuurka suugaanta iyo sheekooyinka waxa ka suurtogal noqda wax badan oo mararka qaar aad riyooyinka ku aragto, bal se nolosha caadiga ah aan ka dhici karin. Tusaale ahaan, maansada Soomaalida waxa aad ku arki kartaa khiyaal kala noocnooc ah oo ku xiiso galinaya iyo sawirro farshaxan ah.
Abwaanku haddii uu u baahdo in inantii uu jeclaa oo meel isaga ka fog ku nool la soo kaxeeyo oo la soo hortaago, ama uu baahdo in farriin laga gaadhsiiyo, yuu u diranayaa? Bal eeg qaar ka mid ah hooballadii Waaberi ama kuwii la midka ahaa iyo fankoodii oo nin waliba uu wax dirsanayo, waxa uu dirsanayana ammaanaya isaga oo leh, adaa saas iyo saas ahe, sidaas iyo sidaas yeeloo, inantaan jeclaa ii keen ama farriintan iga gaadhsii! Taas waxa sii dheer in abwaannadu ay is naqdiyaan oo nin ba wixii uu dirsaday nin kale eedeeyo, isaga oo sababta raacinaya, isla jeerkaasna uu isaga laftiisu wax kale dirsado oo ammaano oo sababta raaciyo, sidaasna ay bulshadu kaga korodhsato aqoon iyo aftahammo xeel fog.
Abwaan Xuseen Aw Faarax ayaa isaga oo xaalad taas kor ku xusan u dhigan ka falcelinaya waxa uu jacaylkiisii u dirsaday xayawaanka fiidmeerta. Deetana waxa uu yidhi:
“Foodlaha gobyahankiyo
Waa fule tukuhuyoo
Kuma fiicna dirashee
Adigaa fariid’oo
Faallada ku dheer oo
Dhulka faalalleyee
Fiidmeerta duushaay
Farriintaydan qaad oo
Ha furfurin adoon arag
Farxaddii jacaylkee
Loo calool fayoobaa!” – Xuseen Aw Faarax – Luuqdii: Xasan Diiriye.
Abwaan Cabdi Iidaan ayaa isaguna farriintaas mid la mid ah u dhiibtay tuke, waxaanu yidhi:
“Loo kala teg hawl iyo
Ninkii tamar yaraa ee
Tol Allow maxay noqon,
Toddob hooray iyo
Tog baa igu furmee
Tukeyow farriintaa
Taan jeclaa u sii qaad!” – Cabdi Iidaan – Luuqdii: Maxamed Axmed Kuluc.
Abwaan Maxamed Ibraahin Hadraawi dhawr jeer ayuu farriimo caashaq u wakiishay xayawaanno kala geddisan. Si la mid ah sidaa Abwaan Cabdi Iidaan ayuu isaguna mar wakhtiyadaas ka mid ah tukaha dhambaal faray. Laakiin Hadraawi waxa uu xusayaa in tukaha uu dirsaday aanu xilkiisii u gudannin si fiican, isla markaasna aanu farriintii geynnin, deetana waxa uu is weyddiinayaa tiro su’aalo ah oo ku taxan halka uu tukihii maray, meesha uu hadda ku maqan yahay iyo sababta uu hawshaas u sagsaagay. Heesta “Togdheer” oo ku sinnaan 1972kii curatay, waxa uu Hadraawi ku odhanayaa:
“Tuke Bari ka yimid baan
Tusay boogahaygoo
U tilmaamay beeshoo
Tebi idhi dhambaalkee;
Taarkii ma geynoo
Isma tarin dedaalkuu
U tabaabulshaystoo
Taab-gaabnidiisay
Naftu xadhigga tawseed
Ugu turunturrootoo
La tawaawacaysaa.
Miyuu tuuray hadalkii?
Miyuu tiray jacaylkii?
Mise tulud raqdeeduu
Ugu taaganyahay geed?
Mise wuxu tukanayaa
Faral iyo Taraawiix?
Mise wuxu taraarkii
Kala dhacay Tabciyo Sheekh?
Sidan Timo haldhaaley
Ugu tebay hurdada xalay
Anigaba Togdheer baa
Tusku iiga muuqdaa.” – Maxamed I. W. Hadraawi – Luuqdii: Muuse Ismaaciil Qalinle.
Mararka kale ayuu Hadraawi farriimaha jacayl ee uu inan la wadaagayo u igmaday shimbiraha. Tusaale wanaagsan waxa lagu xusi karaa labadan heesood:
“Shinbiryahaw ma duushaa?
Ma dabaylo raacdaa?
Dadka maw adeegtaa?
Oo maw dadaashaa?…
Shinbiryahaw dawaafee,
Ku dul jooga laantoow,
Aan kuu dan sheegtoon,
Dood kuu lahaadee;
Ruux aan ku daaloo,
Lay diiddan yahay’oo,
Anna aanan daynayn,
Yaan doonayaayoo,
Dawadaydii noqotoo,
May diir-naxdaayoo,
Dirir may galaysaa?”– Maxamed I. W. Hadraawi – Luuqdii: Xaliimo Khaliif Cumar “Magool”.
Mar kale Abwaan Hadraawi waxa uu riwaayaddii Aqoon iyo Afgarad ku yidhi:
Maxaan shimbiraa waraystay
U dhiibay waraaq daboolan
Haaddii wacdigayga qaadday
Cid weeye tidhaahda weydey.” – Maxamed I. W. Hadraawi – Luuqdii: Maxamed Mooge Liibaan.
Halabuurka Soomaaliyeed ee xayaawannada miciinsaday waxa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Cumar Huryo. Isaga oo diig dirsanaya waxa uu yidhi:
“Diran maayo daad
Bahal laga didiyo
Haad duu layee
Adigaa dunida
Wada daalacdee
Waxa iigu daran
Dawadii naftee
Diigyohow aroortii daakiraa
Ii doon”–Maxamed Cumar Huryo – Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan.
Abwaan Cali Gaab ayaa isaguna waxa uu sidoo kale ama si ka duwan u dirsaday noolaha Diinka, deetana waxa uu yidhi:
“Diinyohow gurguurtaa
Waxaan kuu durraansaday
Haadda kaaga door biday
Abaar dunida gaadhiyo
Ma dareentid oonkoo
Laf duraaye laga tegay
Hunguri kuma dul geeyoo
Gaajo kuma damqaysee
Tii laygu daw galay
Ducadiyo salaantaa
Ha dayicine gaadhsii!”– Cali Gaab – Luuqda: Maxamed A.Dugsiiye.
Waxa xus iyo xiise ba mudan hees aad u dheer, una qiime badan oo uu allifay Abwaan Maxamed Cali Kaariye. Isagu dhammaan wixii ay raggan iyo kuwo kaleba dirsadeen muu dirsan. Wuxuu dirsanayaa Durdur biyo ah oo dhulka sabbaynaya. Wuxuu heesta ku sheegayaa in aanuu u baahnayn haadda, shimbiraha, fiidmeerta, tukaha, diigga iyo hudhudka toonna. Wuxuu ku garnaqsanayaa in aanay tii uu jeclaa farriin u gayn karayn, iyada lafteedana aanay soo qaadi karayn. Wuxuu odhanayaa ragga wax dirsaday waxa ugu liita ninka diinka dirsaday!
Marka hore wuxuu la hadlayaa Durdurkii uu dirayay. Waxa uu leeyahay anigu farriin kuu dhiibi maayee gabadhii ii keen. Deetana wuxuu dhaliilayaa dhammaan waxa ay dirsadeen nimankaa kale isaga oo sababaha sheegaya. Bal u fiirso:
“Durduryohow rogmanayaa
Nin waliba wuxuu diray
Ayuun buu dan moodaye
Dabka adaa bakhtiiyoo
Dundumooyin rida oo
Dam ka siiya geedaha
Dabkana aan ka baydhine
Doon taan jeclaayoo
Ha dagaalin
Hayga didinnin
Soo kexee dabeed,
Daandaanso
Durba leged xambaar
Ma taqaan dabbaashee
Loox dul saar oo
Degmada iigu keen!.”
Wixii ay abwaannada kale dirsadeen muxuu ka yidhi? Aan in yar ka soo qaadanno.
“Duhurkii galaydh
Iyo diig sidiisaba
Gabbalkii u dumayiyo
Duufaanka goraygii
Hudhud duula
Marna degaya
Oon halka adhigu daaqiyo
Dhaafi karin duleeddadu
Ma wax loo dirtaa baa,
Shimbiraha dagaagiyo
Dirsan maayo fiidmeer
Addimmadu deldelanyiin
Maskaxduna daryaantee,
Diran maayo tukahoo
Wuu dabeecad adagyahay,
Salamadhle isaga daa’,
Giddi haadda duushana
Gorgorkaa u door roon
Waxa aan danniyayaa
Raq intuu dul jooguu
Dantaydaa I seejine,
Dad waxaw aqoon daran
Ninka diin ku aaminay
Dhambaal laysu dirayee!”– Maxamed Cali Kaariye – Luuqda: Xasan Aadan Samatar.
Fankeenna in sidan laysu naqdiyaana qayb ayay ka ahayd, iyada oo nin waliba gartiisa akhrisanayo. Sidoo kale, in sidan wax loo male-awaalaana qayb kale ayay ka ahayd, kana tahay.
Dirashada haadda, dabaylaha, shimbiraha, xayawaanka iyo daadadka ee wakhtiga farriimaha jacaylka la dhiibayo ama xilliga aad rabto inantii aad jeclayd aragtideedu, waa mid ka mid ah layaabka faraha badan ee ka dhaca dunida halabuurka.
Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare”
Email:qaraami1987@hotmail.com
Facebook: Sakariye Saharded Ahmed
Hargeysa, Somaliland