Muqdisho, (Hubaal) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo dalka Belgium, danjire Cali Siciid Faqi ayaa shalay ka hadlay dacwad ay dawladda Somalia u gudbisay maxkamadda Qaramada Midoobay oo ah muranka xuduudeedda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Danjire Faqi ayaa sheegay in sababta ay dawladda Soomaaliya tallaabada u qaadatay ay tahay iyadoo aanay jirin waddo kale oo looga leexdo, isagoo intaa ku daray in go’aankani uu yahay mid uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii lagu guul-darreystay in arrinta si siyaasadeed lagu dhameeyo. “Dawladda federaalka Soomaaliya waxay u aragtay dacwaddan inay ku jirto danta iyo badbaada Qaranka, Madaxweynuhuna go’aankii uu qaatay wuxuu ahaa inaan arrintan maxkamad la tagno, waayo muddo dheer ayaa lagu jiray si qaab siyaasadeed loogu dhameeyo innagoo tixgelinayna darisnimada iyo saaxiibnimada nagaldhexeysa, runtiina dadaal badan ayaan gelinnay arrintan,” ayuu yidhi danjire Fiqi.
Sidoo kale, danjire Faqi ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid xasaasi ah ayna tahay in shacabka Soomaaliyeed ay gartaan arrintan la isku hayso, taasoo ah in laba waddan oo kasta oo xuduudo leh ay kawada hadlaan; waana arrin uu qeexayo qodobbada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. “Xukuumadda Kenya waxay go’aan ku gaadhay in heerkii caalamiga ahaa ee xuduudaha badda ay ka gudubto ayna gasho meel ka fog iyadoo aan kala tashan dawladda Somalia, midda kalena waa iyadoo shirkado badroolka baadha qadaraasyo ku siiyay inay goobahaas baadhitaan ku sameeyaan,” ayuu yidhi danjire Faqi.
Dajiraha ayaa xusay in go’aanka dacwaddan uu leeyahay madaxweyanha Soomaaliya ayna gudbiyeen maalintii Khamiista ahayd, ayna u gudbiyeen maxkamadda cadaaladda ee muranndan oo kale si ay go’aan uga gaadho.
Dhanka kale, danjiraha Somalia ee Midowga Yurub iyo waddanka Belgium ayaa sheegay inay dawladda Kenya go’aan ku gaadhay inay howsheeda wadato, taasoo aanay ku jirin danta Soomaaliya.
Ugu dambeyn, danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in xuduudaha badda ee caalamiga ah la ixtiraamo, balse ay Kenya sheeganayso inay ku dhaqmayso xadka cusub ee ay iyadu sameysatay.
Cali Siciid Faqi ayaa dadka Soomaalida ah ugu baaqay inay eegaan sharciyada ku saabsan xuduudaha badda, ayna iska dhaafaan wararka lagu daabacayo meelaha qaarkood, kuwaasoo lagu doonayo in lagu lumiyo fikirka wanaagsan ee shacabka Soomaalida ah.
Maxkamadda caalamiga ah ee Hague ayaa Arbacadii aynu ka soo gudubnay cadaysay in Soomaaliya ay ka heshay dacwad ay ku sheegayso in muran ka dhexeeyo Kenya. Dawlada Kenya waxay muddo ku taamaysey – oo dadaal badan gelisay in ay marka hore muran geliso dhul-badeedka Soomaaliya, markaasna hesho madax Soomaali ah oo la ogol in dhul-badeed-ka Soomaaliya muran ku jiro, kaddibna ay markaas maxkamad isla tagaan si loogu Xukumo Kenya oo mar horeba heshiisyo kula gashay shirkaddo reer galbeed ah Aagan bada oo ay sahansadeen.