Laascaanood (Hubaal) — Cusbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ayaa isbedel lagu sameeyey ka dib markii ay iska kaashadeen mas’uuliyiinta caafimaadka iyo guddi deegaanka ah oo u badan ganacsatada.
Ku-simaha isku-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sool, Dr. Bile Maxamuud Cali ayaa sheegay in Cusbitaalka lagu soo kordhiyay qaybo badan oo uu ka dayacnaa, isagoo xusay inay qaybta qalliinka keeneen dhakhtar, iyadoo dadka dhibaatooyinku soo gaadhaan markii hore la geyn jiray deegaanno fog-fog, balse hadda kaddib lagu daweyn doono Cusbitaalka Laascaanood.
Bile oo ka hadlayay shir Jaraa’id oo ay is-bedelka kaga war-bixinayeen ayaa intaas ku daray inay soo wadaan illaa lix dhakhtar oo dhawaan soo gaadhi doona magaaladaas si ay uga hawl-galaan Cusbitaalka, isagoo u mahad-celiyay guddi deegaanka ah oo si aad ah uga kaalmeysay baahida dhaqaale ee Cusbitaalku u baahanaa.
Agaasimaha Cusbitaalka, Fahiima Koosa-faare ayaa waxay iyaduna sheegtay in dadaal badan ay sameeyeen ay dib ugu soo nooleeyeen niyadii bulshada, iyadoo xustay inay ka maqan tahay gacantii qurbo-joogta taasoo ay ku tilmaantay midda ay gobolladu isku dhaafeen.
Sidoo kale, Fahiima ayaa sheegtay inay weli jiraan qalabyo ay baahi u qabaan oo ay awoodi waayeen inay soo iibsadaan; loona baahan yahay gacan in laga siiyo.
Xaliimo Barre iyo Deeqa Kaliil oo ka mid ah dadka qurbo-joogta ah ee shirka saxaafadeed goobjoog ka ahaa ayaa iyaguna warbixin ka bixiyay sidii ay ku maqli jireen magaalada iyo sida ay hadda arkeen inay aad u kala duwan yihiin,. Waxana kaloo ay xuseen inay sii wadi doonaan dadaalka ay ku doonayaan horumarinta Cusbitaalka Laascaanood.