DAAWO Barnaamij Qiimo Leh Oo Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg Kaga Warramay Suugaantiisa, Iyo Heesaha Ugu Mudan ee Uu fanka Soomaaliyeed Kusoo Kordhiyey Iyo Xilligii Uu Billaabay Curinta Riwaayadaha Iyo Heesaha Oo Haatan Laga Joogo Nus Qarni….. Qisooyinka Heesaha Ay Ku Luuqeeyaan Alla Ha U Naxariistee Maxamed A. Kuluc Iyo Xaliimo Khaliif Cumar Magool, Kuwaas oo ay kamid yihin Dadnimada Aqoonso, Tukeyahoow, Ma Salguuro Caashaqu & Sida Canabka Beeraha. Sidoo Kale Labada Heesood ee Ay Alla Ha U Naxariistee Maxamed Jaamac Joof Iyo Fanaannada Maryan Mursal wada Qaadaan Ee kala ah BERI Hore Waxaa Jiray Iyo Heesta Ruunneey. Heesahaas oo Dhammaantood Ka Mid Ahaa Riwaayaddii U Horreysay ee Uu Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Curiyey Sanadkii 1967-kii.
Maxaad Ka Taqaannaa Dhinacyada Qarsoon Ee Abwaan Dheeg & Heesihiisa Aanay Dhegtu Ka Car-jebin Ee Uu Nus Qarni Ka Hor Curiyey?