Hargeysa (Hubaal) Xildhibaannada baarlamaanka UK ayaa maanta billaabay dhageysiga dood ku saabsan aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, hase ahaatee waxaa jiray dhowr magaalo oo horeba usii aqoonsanaa Somaliland. Wasiirkii hore ee gaashaandhigga UK, haddana ah mudane ka tirsan baarlamaanka, Gavin Williamson, ayaa dabada ka riixaya mooshinka oo aan la fileynin in isla maantaba go’aan laga soo saaro.
Mr Williamson ayaa hore u booqday Hargeysa intii uu wasiirka ahaa, dhawaana waxa uu qaabilay wasiirka arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud oo booqasho ku tagay Ingiriiska.
Inkastoo UK aysan si rasmi ah u aqoonsaneyn Somaliland, haddana waxay xafiis ku leedahay Hargeysa, waxayna maamulka Somaliland siisaa caawinaad. Laakiin dhanka aqoonsiga, waxaa jira maamullo ka jira gudaha UK oo si toos ah u aqoonsan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Saddex magaalo oo ka mid ah ismaamullada hoose ee dalka Ingiriiska.
Birmingham
Sheffield
Cardiff
Jaaliyadda Somaliland ee ku nool magaalooyinkan ayaa ku guuleystay in ay dowladahooda hoose ku qanciyaan aqoonsiga Somaliland oo ku adkeysaneysa inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale. Tallaabadaas ayaa qayb ka ahayd dadaal ay Somaliland ictiraaf caalami ah ku raadineysay tan iyo bishii May ee sanadkii 1991-kii. Hase ahaatee go’aanka saddexda magaalo ay ku aqoonsadeen dowladnimada Somaliland ma aha mid mas’uul ka ah ama ka turjumaya go’aanka dowladda dhexe ee UK. Waa maamullo uu go’aankoodu yahay heer degmo oo kaliya, wax shaqo ahna kuma laha siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska.
1- Birmingham
Waa magaalada Labaad ee ugu weyn England iyo guud ahaan dalka UK, marka laga soo tago London oo ah caasimadda Ingiriiska. Birmingham ayaa loo yaqaannaa inay tahay caasimadda labaad ee UK. Waxaa ka jira ismaamul hoosaad gaar ah oo ka arrimiya magaalada iyo miyigeedaba. Waxa ay ku taallaa gobolka West Midlands ee ka tirsan England.
2- Shefield
Magaalada Shefield oo iyada qudheeda ka tirsan England waxay ku taallaa gobolka South Yorkshire. Waxaa ka jira ismaamul u gaar ah oo hoos taga dowladda federaalka ee UK.
3- Cardiff
Waxay labada magaalo oo kale uga duwan tahay in aanay ka tirsaneyn England balse ay ku jirto magaalooyinka uu ka kooban yahay gobolka Wales ee ka tirsan qeybaha ay ka kooban tahay boqortooyada UK. Waayadii ugu dambeeyayba, warbaahinta ingiriiska iyo waddamada kale ee Reer Galbeedka ayaa aad uga hadlayay arrimo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Waxaa muuqata in mowduucan uu xiiso yeeshay wixii ka dmabeeyay markii uu xiriirka diblomaasiyadeed dhex maray Somaliland iyo Taiwan.
Waxaa kale oo indhaha caalamka kusoo jeediyay hardanka cusub ee Shiinaha iyo Mareykanka ay ugu jiraan Badda Cas. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo hadda ku sugan waddanka Itoobiya ayaa la filayaa in uu dhawaan booqasho ku tago waddanka Mareykanka, sida ay sheegtay xukuumaddiisa.