Waxa muddo dheer oo qiyaastii ku dhaw lixdii sano ee u danbaysay muddo xileedkii madaxweyen siilaanyo dalkan somaaliland haystay mid kamida dhacdooyinka dalalka aduunka qaarkood soo mara oo ah in madaxweynihii dalka xukumayay sababo jira awgood sida Xanuun la soo darsa ama dadiisa oo weynaata ay sababto in talada xukunka wadanku gacantiisa ka baxdo oo ay u gacan gasho cid kale gaar ahaan dadka ka ag dhaw ee ku xeersan oo si sharci daro ah ugu tagri fala, hadaba iyada oo taasi jirta oo madaxda waaweyn ee mucaarid iyo muxaafidba lihi hoos wax u ogyihiin hadana waxa lagu dadaalayay sidii xeegana xeego u noqon lahayd ilkana u nabad gali lahaayeen ee dalkan loo badbaadin lahaa, aan u soo noqdo dulucda maqaalkee waxa ay labada hogaamiye ee Muuse Biixi Cabdi iyo C/raxmaan C/laahi Ciro ka wada socdeen in dalka la badbaadiyo marka laga reebo ta mid walba u gaarkaa ee ah inuu isagu kursiga fuulo, dhanka kalana waxa ay kawada socdaan arimo badan ilaa manta oo dadku u haystaan laba nin oo isu cadawa ama kala fog, waxaana taa u daliila oo cadayn kugu filan bal u fiirso qodobadan iyo dhacdooyinkan hoos ku qoran ee kugu soo maray taariikdii dhaweyd ee aad wax ka fahmi karto.
Bulshadani haddii ay dantooda maalin uun garan lahaayeen oo heeryada qabiil iyo naxligaa nin dan lihi kala dhexdhigay tuuri lahayd waxa dhaba in ay tanaadi lahayd oo ay guul gaadhi lahayd waxna wada qabsan lahayde rag tabtii iyo tabihii hore uun wali isticmaalaya si ay xukunka u haystaan oo dad iyo duunyaba u boobaan ayaa qabyaalad iyo kooxaysi wali u kala qaybinaya iyaga oo hoosta isaga daloola iyagu.
Daba galisyadeediyo doqon wey ka adagtahay
Dana wey wadaagtaa dudadaa u kala rogan mana kala dab qaatan
Dadabaa ku kala xidhan kala durugsanaantiyo digadaa nin baa shiday
Dawaduu ku huriyaa rag inuu damiyaa damiirkoodu farayaa
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).
Bal u fiirso hadaba qodobadan ku tusaya wada socodka dahsoon ee aanu dadka badankoodu fahmi Karin ee ka hor dhacaya kuna tusaya wada socodka labada hogaamiye ee Muuse iyo Ciro.
- Ka Bilaw Xiligii mudo kordhintii u danbeysay ay doonayeen kooxdii bucada ahayd ee dalka maamulaysay ee ku shaqaysanaysay maqaarkii mujaahdi/madxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo, labadan hogaamiye ee muuse iyo ciro si cad ayay uga hor yimaadeen waxaanay soo jeediyeen in doorashada waktigeedii lagu balansanaa lagu qabto iyada oo guurtida iyo maxkamada sareba muddo kordhintaa cusub ee ay wateen kooxdasi ay ansixiyeen, hadaba markii ay labaduba ka hor yimaadeen maadama labada nin ee meesha ku tartamaya ama ugu dhawi iyaga ahaayeen ayay kooxdii budhcada ahayd baqatay oo soo saartay qoraal ay ku sheegtay inuu madaxweyne siilayo soo saaray oo dhigaysa in doorashada wakhtigeedii lagu qabto maxkamada sarena xukunkeedii dibu’eegis ku samayso taas oo ceeb ku ahayd maxkamada sare oo iyada oo xukunkeedii hore ay ku saxeexanyihiin 11 garsoore ee ay ka koobantahayba ay kii danbe oo sharciga baal marsanaa oo ay tidhi kii hore ayaa wax laga badelayaa oo codsiga madweynaha ayaa la waafajinayaa soo saartay iyada oo 5 shan garsoore oo kaliyi ku saxeexanyihiin taas oo sharciga ka fog oo aan xukun 11 garsoore saxeexeen aanay mid shan garsoore saxeexeen soona saareen lagu jabin Karin, labada hogaamiye sharcigaa ku tumashadiisa kamay hadlin iyaga iyo xisbiyadoodu toona maadama siday doonayeen laga ogolaaday.
- Is weerar la’aantii xaga shakhsigaa ee aan dhex marin labdan hogaamiye xiligii loo qabtay dooda musharixiinta sadexda xisbi sidii ka muuqatay musharxa xisbiga ucid oo kale.
- Diid madii soo jeedintii kaadirkii xisbigiisa iyo waydiintii su’aasha ee Cabdi raxmaan Ciro markii ay kaadirka xisbigiisu soo hordhigeen doorashada ka hor xogtii ay heleen ee ahayd shirkada soo daabacaysa waraaqaha lagu codaynayaa inay tahay shirkad laga leeyahay wadanka imaaradka oo qaar ka mida budhcada dalka haysata oo xisbiga kulmiyana taageersani gacanta ku hayaan sida nin ka baashe ee safiirkaa ee dalkaa inoo fadhiyaa soona jeediyeen in uu doorshada qaadaco ciro, taas oo ciro ka diiday dhanka kalana uu weydiiyay inay keenaan qorshe kale ama plan B, taas oo ku tusaysa waxa u gaarka ah ee uu ogyahay iyo waxa ka weyn ee jira.
- Xalintii khilaafkii ka dhashay doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka ee Baashe iyo Talyanle ku tartamayeen ee madaxtooyadii oo laba talaabo u jirtaa soo dhexgali weyday oo ku tusaysa inaan madaxweyne talinaya ama talo uruursani jirin xiligaa, dhanka kalana maxkamadii sare ku guul daraysatay ka garnaqisteeda dacwadii dhinaca talyanle u gudbiyay oo iyaduna ku celisay kuwii is haystay (Xildhibaanadii/golihii wakiilada) oo waayabe tidhi idinku kala baxa markuu halkaa xaal marayana ay dhexgaleen madaxdii xisbiga mucaaridkaa ee wadani oo ciro hogaaminayaa waasidii ay yeeli jireen ragwaaweyn oo hoos wax u ogiye isuna keeneen kii mucaaridku taageerayay iyo kii muxaafidku taageerayay wax la isyidhiba warbaahinta uun ay ka soo muqdeen iyaga oo gacmaha isu saaray iyaguna dhex jooge u yihiin bulshadana sidaa ugu soo gudbiyay sidaasna khilaafkii ku dhameeyeen.
- Murankii soo baxay xiligii doorashada ee ahaa buugii waraaqaha lagu codaynayo oo isaga oo dibada u soo baxay gacanta uu u soo galay xisbiga mucaaridkaa ee wadani arintaas oo muran badan dhalisay markii cid dhexdhexaad ah oo soo dhexgasha la waayay wada hadal dheer iyo doodo dhexmaray komishanka qaranka iyo madaxda xisbiga mucaaridkaa ee wadani iyo waxgaradkii iyo culimadii wadanka oo iskood isu xil qaamay oo isku soo dhawayn waday aakhirkii uu isagoo waxa jira iyo waxa dhici kara haduu ku sii adkaysto arkaya uu candhuuftiisa dib u liqay c/raxmaan ciro iyagoo wada jirana isaga iyo komishanku ay shir jaraa’id sidaa kuwada qabteen bulshadana u sheegeen oo warbaahinta u mariyeen in arintii la xaliyay isaga oo gudoomiyaha komishanku ku tiraabaya in uu xalkii la qaatay gudoomiye ciro isaga oo wadanka u tudhaya sidii caadada u ahaanjirtay.
- Kasoo qayb gal la’aantii muuse biixi xafladii komishanka qaranku kaga dhawaaqayay natiijadii doorashada ee uu isgu ku guulaystay.
- Aqbalaadii natiijada doorashada ee c/raxmaan ciro iyo qudbadiisii qiimaha badnayd ee uu jeediyay ee uu ku tilmaamay inuu dadka iyo dalka u tanaasulay.
- Ka fogayntii iyo dareerintii kooxdii budhcada ahayd ee dalka maamulaysay iyo sida aanu ugu soo darin golaha cusub ee xukuumada uu soo dhisay Madxweyne Muuse Biixi.
- Shirkii ay hargaysa ku qabsadeen laba cisho kadib markii ay iska waayeen xukuumadii cusbayd ee lasoo dhisay kooxdii budhcada ahayd ee dalkan iyo dadkan boobtay mudadii ay taladu gacantooda gashay shirkaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga cadhaysan yihiin iyo sida ay isula rogtay iyo sida loo caydhiyay.
Hadaba anigu shakhsiyan waxa aan qabaa in umadan duruufaha adag ee ay ka midka yihiin sixir Baraka, biyo la’aanta , caafimaad darada, busaaradaha iyo shaqo la’aantu waxa ay iyaga oo midaysan uga hadli la-yihiin ee ay uga dhiidhiyi la-yihiin ay tahay gidaarkaa qabyaalada ee lagu kala xidhay iyada oo aan dhinacna loo aaba yeelahaynin wax nafoo loo hayaana aanay jirin ee niman dan lihi wixii yaraa ee ay haysteena ku boobayaan iyagoo kolba shaadh u xidhanaya oo ku kala qaybinaya wax ay u sheegeen oo ay awrkooda ku kicisanayaan, hadaba waxaynu u baahanahay bulsho ahaan iyo umad ahaan in shirar ka hadlaya, danaha umada u dantaa iyo cadaaladooda iyo noloshooda la isugu yimaado dhaqaalana lagu bixiyo ee aynaan u baahnayn shir beeleedyo wixii ina soo daashaday uun dabada ku haya inta sidaa lagu jirana umadani waligeed dulmigaa iyo duligaa ka bixi mayso oo kolba reer ayuunbaa shiri .
Dadkaan lahadlayaaban lahayn dux iyo iimaane
Wixii soo daashaday degamsanayasaa.
Abwaan C/laahi Suldaan Timo Cade.
Allaa Mahad Leh
Qalinkii: Garyaqaan Xuseen Cabdillaahi Shabeel
Hargeysa, Somaliland
xu06-shabeel@hotmail.com