Waxa Lagu Eedeeyey Inuu Muddo Dheer Si Khaldan U Qaadanayay Lacagta Caydha Ah Ee Soo Galeetiga La Siiyo
London (Hubaal/AFTN) – Fannaanka Maxamed Axmed Qoomaal oo ah Fannaan Soomaaliyeed, ayaa Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska waxay ku heshay Dembi ah inuu si khaldan u qaadanayey Lacagta Caydha ee dawladdu bixiso, isla markaana uu Been-abuur sameeyey, sida lagu eedeeyey. Qoomaal oo 72 sano jir ah, ayaa waxa lagu eedeeyay in uu qaadanayay sannad walba Lacag gaadheysa £39,000, isaga oo ka maqan dalka Ingiriiska oo sanadihii u dembeeyey ku sugnaa wadanka Soomaaliya. Sida uu shalay baahiyey wargeyska Dailymail ee kasoo baxa dalkaasi ingiriiska waxaa uu intaa ku daray in Fannaan Qoomaal, lagu eedeeyay in uu ku sameeyay Shaabbad Been-abuur ah Baasaabboorkiisa Britishka ah, si aan loo garan in uu ka maqnaa waddanka Ingiriiska muddo sannado ah, sida la sheegay. Qoomaal, ayaa qirtey Dembiyada lagu soo oogay, waxaana la sheegay in Maxkamadda, ay Dacwad-oogayaashu u sheegeen inuu doonayay Qoomaal in meel kulul oo uu ku noolaado I maadaama oo uu ku dooday in qabawga badan ee dalka ingiriiska ka da’aa ay caafimaad ahaan dhib ku tahay sidaas darteed uu muddo sannado ah ku maqnaa dalka Somaaliya isaga oo iska dhigaya in uu Ingiriiska joogo hase ahaatee uu markii uu maqlay in la raadinayo uu dib ugu soo laabtay UK su’aalo la weydiiyo. “Waxa uu kaga dhoofay UK tigidh furan mana soo laaban. Waxa uu siiyay furaha guriga uu si gaar ah ugu noolaa dad kale kuwaasoo degenaa intii uu ka maqnaa wadanka UK.”ayuu sii raaciyay xeer ilaaliyaha Maxkamadda.