GUDAHA KA AKHRI: Sababta Loo Xayiray Sanduuq Xisaabeedka Summadiisu tahay [Sl.Sh. s= A/C. NO.09
Go’aanka Maxakamadda Waxaa Lagu Socodsiiyey Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee JSL, Waxaana Lagu Ogaysiiyey Lix Mas’uul oo Laba Ka Mid Ahi Ay Wasaaradda Maalliyada Yihiin
Hargeysa (Hubaal)- Maxakamadda Gobolka Maroodijeex ayaa amartay in xayiraad la saaro sanduuq xisaabeedka (Account) ee ay dawladda Hoose ee Hargeysa ku leedahay Bangiga dhexe, kadib markii ay maxakamaddu soo gunaannaday dacwad uu muwaadin reer Somaliland ahi uu maxakamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah Dawladda Hoose ee Hargeysa, taas oo uu cabasho kaga muujiyey in xuquuq uu ku lahaa ay duudsiday.
Qoraal amar xayiraad ah oo maxakamadda Gobolka Hargeysi soo saartay oo xalay lagu baahiyey telefishanka Afka Soomaaliga ku hadla ee KALSAN ayaa lagu amray dhaqdhaqaaqa sanduuq xisaabeedka lambarkiisu yahay [Sl.Sh. s= A/C. NO.09 iyo Dollar A/C. No. 02) ee ay dawladda hoose ku leedahay Bangiga dhexe ee Somaliland.
Go’aanka Maxakamadda Gobolka oo uu ku saxeexan yahay Garsoore Maxamed Xuseen Cawaale ayaa lagu sheegay in ay maxakamaddu gaadhay kadib markii ay masuuliyiinta dawladda hoose ee eedaysanayaasha ahi hor iman waayeen fadhiyadii Maxakamadda ee ay dacwaddu socotay, iyada oo lagu amray lagu fuliyuhu [Dawladda hoose] in uu muddo cayiman oo toban cisho ah ku bixiyaan xuquuqda muwaadinka dacweeyey.
Qoraalka Maxakamadda oo lagu socodsiiyay guddoomiyaah bangiga dhexe isla markaana lagu ogaysiiyey lix masuul oo laba ka mid ahi wasaaradda Maalliyada yihiin ayaa isaga oo dhamaystiran waxaa uu u dhignaa sidan:
“Ku: Guddoomiyaha Baanka dhexe
Og: Guddoomiye ku xigeenka Baanka
Og: Maayarka Caasimadda Hargeysa
Og: Xogahayaha fulinta ee dawladda Hoose
Og: loo fuliye Cismaan Ciise Faarax
Og: Wasiirka Maalliyada Somaliland
Og: Agaasimaha guud ee wasaaradda Maalliyada
Ujeeddo: Amar xayiraad Xisaabta Akownka dawladda Hoose
“Maxakamada Gobolka Maroodijeex iyada oo tixraacaysa amarka fulinta xoogga ah ee sumadiisu tahay MGH/DFL/69/2014 kuna taariikhaysan 16/11/2015 ee soo baxay 22/11/2015, kaasi oo ay maxakamada gobolka Maroodijeex [Hargeysa] ku amartay lagu fuliyaha dawladda hoose in ay muddo 10 cisho ah gudahood ay ku bixiyaan xuquuqda muwaadinka loo fuliyaha sare ku suxan.
Haddaba waxa ay maxakamada gobolka Maroodijeex idinku amraysaa in aad xayirtaan lacagta ku jirta lambarka dawladda hoose ku leedahay bangiga dhexe ee hargeysa, xisaabtaas oo namberkeedu yahay [Sl.Sh. s= A/C. NO.09 iyo Dollar A/C. No. 02).
Sababtuna ay tahay iyada oo ay ku waajibtay xuquuq dhan $6800 [Lix kun iyo sideed boqol oo dollar] oo uu leeyahay loo fuliyaha magaciisu yahay Cismaan Ciise Faarax, kaasi oo ay maamulka dawladda hoose ka dhego adaygeen in ay yimaadaan maxakamada gobolka Hargeysa, Sida ku xusan qaraarka aanu ku soolifaaqnay amarkan. Sidaasi darteed maxakamaddu waxa ay idinku amraysaa in aan la isticmaali karin xisaabaadka sare ku xusan isla markaana aad ku xayirtaan sida ugu dhakhsaha badan, una fulisaan amarkan illaa amarkan.
Alaa Mahad leh
Maxamed Xuseen Carraale
Garsooraha Maxakamada Gobolka Hargeysa.
Dhinaca kale Telefishanka Kalsan oo isagu xalay baahiyey warka xayiraadan ayaa warbixintiisa ku lifaaqayin ay xayiraada xisaabaadka dawladda hoose ee Hargeysa ku soo beegan tahay xilli laga dayrinayo xaallada maamul iyo musuqmaasuq ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa.
Geesta kale Wargeyska HUBAAL oo xalay isku dayay in uu wax ka weydiiyo masuuliyiinta sare ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaanay u suurto gelin kadib markii ay qaban waayeen telefoonnadooda gacanta.
Maayarka Caasimadda Hargeysa, Maayer ku xigeenkiisa, iyo xoghayaha fulinta ee dawladda Hosoe ayaa intuba qaban waayay telefoonnadooda kuwaas oo isugu jiray kuwo xidhan iyo kuwo aan la qabanayn.