Maxamed Biixi Yoonis Oo La Weriyey In Uu Hargeysa U Imanayo Xoojinta Siyaasiyiin Sooc Ah Oo Hore Uga Tirsanaa Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE

0
75

Qorshaha Siyaasiyiintan Oo Muddooyinkan Dembeba Ku Jiray Isu Xulufaysi Dahsoon Salka Ku Haya Sidii Ay Deegaankooda Taageero Ugaga Raadin Lahaayeen Murashaxa WADDANI

Waxa lagu Wadaa in Maxamed Biixi Uu Ka Qayb-galo Xaflad Loo Qabanayo Xubnahan sooca Ah Oo Kasoo jeeda Galbeedka Hargeysa

maxamed biixi yoonis

Addis ababa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Oo Isaga iyo xubno kale ay xibsiga WADDANI Ku biireen kadib markii  koox uu kamid ahaa ay ku fashilmeen inqilaab  siyaasadeed oo ay  ku doonayeen in ay ku af-egmbiyaan hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo,  iyaga oo ka soo horjeeday taageero uu madaxweynuhu lagarab is taagay guddoomiyaha KULMIYE oo xilligaas loo dooranayay murashaxa madaxwenaha ee xisbiga balse ay iyagu kasoo horjeedeen ayaa la sheegay in  dalka oo uu muddooyinkaba dibada kaga maqnaa dib ugu soo laabanayo maanta. Soo guryo noqoshada Maxamed Biixi Yoonis ayaa ujeedadeeda la sheegay in ay salka ku hayso sidii uu uga mid noqon lahaa koox ka tirsan xisbiga WADDANI oo  is xulufaysi siyaasadeed ka wada deegaannada uu isagu kasoo jeedo oo ay taageero uga raaadinayaan musharraxnimada guddoomiye Cirro.  Socdaalka Maxamed Biixi oo la sheegay in ay ku weheliyaan xubno kale ayaa warku intaa ku daray in sidoo kale uu daaran yahay in uu ka qayb galo xaflad maalinta berri ah ee Khamiista ah uu xisbiga WADDANI u samayn doono siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada galbeedka  gobolka Maroodijeex oo sheegay inay ku biirayaan xibsiga WADANI, kuwaas oo hore uga tirsnaan jiray xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE balse siyaabo kala duwan isaga casilay qaarkoodna xilalka looga qaaday. Siyaasiyiintan oo  muddooyinkii u dembeeyey saaxadda  kamaqnaa islamarkaana ay qaarkood sheegeen in ay siyaasadda ka baxeen ayaa  wada hadallo muddooyinkanba ay la lahaayeen hoggaanka WADDANI waxaa wararu dhuun daloola arrimahoodu ay HUBAAL u sheegeen in ay  tiir dhexaad u yihiin codka iyo taageerada bulshada ku dhaqan deegaannada galbeedka Hargeysa iyo gobolka GABILEY oo ay sheegeen inay wakiil uga yihiin arrimaha siyaasadda iyo biyo dhaceeda.  Haddaba, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ujeedada safarkiisu tahay sidii isaga iyo xubnaha kel ee la socdaa ay taageero ugu muujin lahaayeen siyaasiyiinta ku soo biiraya xisbiga oo intooda badani ka soo jeedo Xisbiga Kulmiye, balse imika doonaya inay WADDANI noqdaan. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in siyaasiyiintan ku biiraysa WADDANI iyo Maxamed Biixi laftiisuba ay isu diyaarinayaan olole siyaasadeed uga bilaabi lahaayeen deegaannada ay kasoo jeedaan iyaga oo taageero u raadinaya Murashaxa madaxweynaha ee WADDANI Mr. Cabdiraxmaan Cirro, waxaanay u muuqdaan kuwo muddooyinkan danbeba ku jiray xulafaysi dahsoon balse xilligan is muujinaya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here