Maxamed Biixow Waan Kuu Eexday Ee Kaamaan Eexan!

0
54

Alle waxuu ina faray inaynu iskajirno gar eexo,inaynu xaqqa ku addino inaynu run sheegno. Waxa inaga reeban beenta isku dirka, nifaaqa iyo laaluushka. Waxa Rasuulku ina faray inaynu walaalkeen u eexanomar walba oo kolka uu gar daran yahay ka qabano kolka uu gar leeyahayna aynu is barbar taagno.

Waxa dalka meelwalba la hadal haya gar ka dhexeysa laba nin oo isku jilib hoose ah, magacna wadaaga waalabada ilma Biixi Mohamed iyo Muuse.Maxamed Biixi

Nin ay ilmaadeer yihiin labada nin oo halhabeen iga xiga ayaa ii waramay. WAxuu yidhi waxa I qabsaday  Maxamed oo igu yidhi waad iga hiilisay..waxaan idhi kaama hiilin ee waan kuu hiiliyey.Ma ihi raga beenta ku shaqaysta ee kugu xeeran, raga laga soo diro guriga Xirsi ee ujeedadu tahay in Sacad Muuse marna hoggaanka dalka qaban. Waa dagaal cad oo Xirsi gab nidar kumaray, kulama socdaan ee adi iyo Muuse midna dan uma hayaan. Teeda kale anigoon taas eegin Ayaan gartiina keli gorfeeyey oon si garsoor ah u qaaday. Waxaan ka bilaabay kolkii  Muuse oo Maraykan jooga oo loo soo tababaray Generalnimo, uu goostay inuu wax walba ka hormariyo xorreynta dalkiisa ee uu ka soo duulay Maraykan kuna biiray SNM.Ma jiro sarkaalkale oo fursadaas ookalilumiyey. Wuu joogi karaayey Maraykan, wuuka shaqaysan karaayey Carabta, Daafuur iyo Afrikan sidoo kale. W”axaad xiliogaas joogtay ood u shaqaynaysay ilaa Siilaanyo kugu magacaabay Wasiirka Debedda laba sano ka hore. Intaasba waxaad u shaqaysanaysay dantaada gaarka ah,kolka soddon sano iyo dhiidhii uu Muuse ku hawlanaa dan guud.

WAxuu galay Muuse dadaal siyaasadeed oo cidiyaha leyskula tegay, waxuu u samray oo uu wax walbaku liqay inuu mar uun ummadda oo soddonka sano iyo siyaadada u hawlanaa uu hor yimaado. Kolkay taasi u soo dhowaatay ayaad maqashay duulMuuse ka ciidee mooyaane ayna wax kale wadin..waxa kuu taliya waa Bakayle, Waa |Xinif, Waa Blacki, Waa Abiib Timacadde, Waa Wadaad iska yeele Samaale, waa Dhuxul waa Cabdi Aw Cali Shabeel,Waa Wasiir Cabdiwaahid, Waa wasiir Cadirisaaq, waa abkey bee3naale, tuug iyo ma xishoode. Maxaa kugu xeeerey inta Soomaliland nacday ee la tuuray. Ceebaale waa laga fogaada, maxaa ka dhigey nin uruursada abkey jaahil isla weyn ma xaa ku hoos dhigey Xirsi oo kibir iyo Jahil, Xaasid iyo xumaan yuururta ah. Nin tolkii arkeen xumaantiisa, nin raba inuu dalka rogo oo weliba uu Xamar ka dego hadday tiisa noqonweydo, nin la arkay maamul xumadiisa maxaa caqligaagu u arki waayey. Aqoonay ba’ haddii Maxamed Biixi hoos joogo Xirsi iyo Dhuxul.iyo  dhammaan waa rag badiyaa ka masruufsan Xirsi. Maxadiga iyo rasgga kale ee tartanka ku jirta idin kulmniya meys weydiisay. Waxaad ogtahay in codeyntu tahay halmar oon cidina cid kale waxba ugu shubayna, haddana fikir iyo talaba kama xor tihid raga siyaasadda ku aaqiday ee ceebta iyo qadafka ku can baxay.

WAxaan qaaday gar cadaalad ah oo waxaan arkaa inaad tahay nin lagu guuraayo oo xisbiga lagu baabiinaayo, waxaan arkay nin aan garanayn inaad tahay siyaasadda dalkan iyo cadooyinka, nin aan lahayn siyaasad xor ah oo kooxi ku shaqaysanayso,nin lagu karbaashaayo Muuse, nin noqday usha Xirsi.

Waan kuu hiiliyey ee toobad keen oo la jeclow walaalkaa waxaad naftaada la jeceshay.Maanat magic, abaal iyo qadarin aad ka heli dhammaan tolkaa iyoSoomaliland inta wanaaga jecel haddaad ka tanaasusho tartankan ma dhaleyska ee nin kasta oo xumi dabada ka riixaayo.Magac iyo maamuus halkaas ayuu kuugu jira. Alle ha ku tuso dariiqa toosan, Alle ha ku tuso inta xumaanta kula jecel eemagacaaga dileysa, ee ka shaqaynaysa dumista xisbiga KULMIYE iyagoo raba in xisbikale guuleysto. Bal dhegeyso waxa Reyte iyo Cali Guray kuguula socdaan, u fiirso talooyinka Xinif, Cabdi Aw Daahir, Wabeeye iyo Bashiir Xriir. U fiirso jar ska xoorka raba inaad dhuuqada la qaybsato waa Wadaad Xume Samaale oo ceebtaad ogayd xukuumadda kala baxay.

Waan kuu duceeya ee Alle tubta toosan ha kugu hadeeyo.

Cabdi Xaaji Axmed

hargeysawi@ymail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here