Maxamed Mursal Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya

0
16

Muqdisho (Hubaal) Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu helay 147 cod halka musharrixii kula tartmayay wareega labaad uguna dambeeyay Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

Maxamed Mursal oo dhawaan iska casilay xilka wasiirka gaashaandhigga ayaa xilkan hayn doono ilaa iyo sanadda 2020. Wuxuu badalayaa guddoomyihii hore Maxamed Cusmaan Jawaari oo muran siyaasadeed ka dib iska casilay xilkaasi billowgii bishan.

Guddoomiyaha cusub oo jeediyay khudbad ayaa u mahadceliyay xildhibaanada, wuxuuna ballan qaaday inuu u shaqeyn doono si waafaqsan dastuurka dalka.

“Waxaan hortiina ku balan qaadayaa inaan ilaalin doono sharciga oo aan kursigan ugu shaqeyn doono danta, dalka, diinta iyo dadka, kuna dhaqmi doono dastuurka dalka” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ibraahim Isaaq oo isna khudbad ka jeediyay baarlamaanka ka dib doorashada ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub.

”Waxaan aaminsanahay in geedi socodka nabadda iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya ay guuleysatay”. ayuu yidhi Ibraahim.

Waa kuma Guddoomiyaha cusub

Mursal ayaa markii ugu dambeysay ahaa wasiirka gaashaanadhigga oo loo magacabay dabayaaqadii sandkii hore. Wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka 10-aad.

Intii u dhexeysay 2012 ilaa 2015 wuxuu ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga.

Shaqooyinka horyaalla guddoomiyaha cusub

Wuxuu xilkan la wareegayaa xili xubnaha baarlamaanka ee uu hogaamin doono ay aad ugu kala qeybsameen guddoomiyihii hore iyo xil ka qaadis la doonayay in lagu sameeeyo taasoo markii dambe sababtay inuu iscasilo.

”Wuu ogsoon yahay shaqada hortaalla isagaba, maadama uu in badan ahaa siyaasi iyo diblomaasi” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi oo u warramayay barnaamijka Dunida iyo Maanta ee BBC-da.

Shaqaooyinka kale ee horyaalla waxaa ka mid ah dardargelinta hawlaha la xisabtanka dowladda iyo dhameystirka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Sida ay u dhacday codbixinta

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ahaana sii hayaha guddoonka baarlamaanka Cabdiwal Muudeey ayaa sheegay in 266 xildhoibaan ay soo xaadirtay kulankii maanta.

Wareega koobaad ee doorashada waxaa ku tartamayay 10 musharax waxaana wareeg labaad u gudbay ilaa iyo Afar musharax kuwaasi oo kala ahaa Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ibraahim Isaaq Yarow, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Shariif Maxamed Abdalla. Cabdicasiis iyo Shariif ayaa isaga haray wareega labaad oo ay ku tartameen Maxamed Mursal iyo Ibraahim Isaaq.

“Warega labaad waxaa codeysay 265 xildhibaan. Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow waxa uu helay 118 cod, halka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu helay 147, waxaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan” ayuu yiri Guddoomiye Muudeey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here