Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin, ayaa maanta lagu aasay magalada Hargaysa Illahay naxariisti janno ha siyo oo haka yeelo inta ku galadaysata qabriga, kana mid ahaata inta ku aroorta safka Rasuulka CSW. Maxamed-Rashiid wuxu ahaa nin aan hagrasho lahayn, waxana muujinaysay sida dadku ugu marag kacayeen, taas oo aniga i xasusinaysa dhawr jeer oo aanu hawl wada galnay sidi lama ilaabanka ahayd ee u ugaso dhalalay. Kali kuma ahayn inta ka mana sheeganaysay ee badi inti ay hawl-wadaagta ahayeen wuxu ku lahaa abaal aan dugobayn.
Maxamed-Rashiid Illahay ha u naxariste wuxu ahaa hawl kar inti aan aqaanayba ahaa xoogsade shaqadisa ku sharfana. Wuxu ka mid ahaa inti dhidibada u taagtay saxaafadda gaar ahaan jara’idada, oo ogaalkay u kaso shaqeyey jaraa’idki ugu horeyey ee hana qaada kaas oo ah Jamhuriya, wakhti ka dib wuxu u wareegay jaraa’iidka Haatuf, marki dambana wuxu asaasay jaraa’iidka ila hadda shaqeeya ee Saxafi. Maxamed-Rashiid Illahay ha u naxariiste waxa aan la ilaabi karin sidu uga hawl gali jiray saxafadda marka ay cadadiska la kulanto, waxana kaaga filan oo illa hadda la xususan kara sidu uga hawl gali jiray so daynta jaraa’iidka Hubaal.
Maxamed-Rashiid Illahay ha u naxariste aaskisu wuxu ahaa mid badi mujtamaca reer Hargaysa kaso wada qayb galen, oo cid ka maqnaydba yarayd, kaas oo aad odhan karaysay wuxu ka mid ahaa asaaska ugu tirada badna ee ka dhaca dalka. Waxa aan qalinka u qaatay waa laba mid un; sidi aynu ugu diyaar garoobi lahayn geeridan oo kale oo lama huraan ah inay ina wada qabsanayso iyo in aynu isku diyaarino sida Maxamed-Rashiid Alle ha u naxariste lo aasay aynu noqono qaar lo aaso.
Qof kasta oo kaso qayb galay aaskisu wuxu ahaa mid murugaysan, oo aad modayso in u kaligi ka baxay. Murugada ka wada muuqatay ku tusinayso sida ay iskugu dhawaayeen Marxuumka qofkaas, se qof ma ahayne idilkood inti aaska timid ayey wada ahayeen, waxa aan maqli jiray qof kasta mala’igtiisa ayaa aasta, maanta Marxuumka wixi khalqi kaso qayb galay aaskisa dad la tirin karo may ahayn. Taas oo ah in qof kasta isku dayo inu dad beerto, sama-fale ahaado, dadku u sinaadan, saaxiib deeqsi ah ahaado, qof dadku isku so halayn karaan u noqdo, ma hagradena ahaadol. Waxa hubaal ah in Maxamed-Rashiid Illahay qabriga haw nuuriye intaaba ku sifaysna, waxana ila garan kara qof Maxamed-Rashiid hawl wada galen.
Waxa yadna xususin u baahan in aynu ogaano sidi Maxamed-Rashiid oo inala joogay caafimaad qabay sida deg dega ah shilka iyo geeridu isugu habsatay in ay inana geeridaasi ina wada sugayso. Waan si xusuusta wali maalinta shilku ku dhici doono kaftankisi iyo sidu u fadhiyey, taas oo ah mid aanan wali ilabin. Waxa Rasuulka CSW ka sugnaday xadiis odhanaya “waxa aad had iyo goor xusuusataan ta macaanka jarta oo ah geerida”, inagu inte ayeynu hadaba xusuusana, mise isleenahay taas oo kale wakhti dhaw ayey ku sugaysaaye maxaad usi shaqaysatay.
Waa maalin magacaagu Mayd noqon doono, waa maalin hugagu kafan ahaan donaan, waa maalin hoygaagu xabaal isu bedeli doono, waa maalin su’aal iyo su’aalo ku sugayaan ee maxaynu u diyaarsanayna walalayaal. Geerida saaxiibken iyo walaalkeen aynu u noqono qaar usi sahay qaata. Rasuulka CSW aya laso hor mariyey mayd la aasayo markaasu yidhi “walalaayaal tan oo kale u diyaar garooba”, maanta walalayaal geerida Maxamed-Rashiido kale way inagu imane aynu u diyaar garowno.
Illahay waxa aan uga baryaya Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin inu qabriga u waasic iyo nuur u ahaad, janatul Fardowsa ku manaysto, ka yeelo intu ka raalida yahay, u aqbalo ducadi kumananka qof ee jinaasadisa ku tukaday, kana yeelo kuwa ku aroora darka Rasuulka CSW Allahuma aamin aamin amiin.