Maxamed Xaashi Oo Ka Digay Cidhib-xumo Uu Sheegay In Qarannimada Uu U Horseedayo Fadhi Wada Jir Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Isugu Yeedhay Labada Gole

0
50

” Fadhiga Wada Jirka Ah Ee Uu Madaxweyne Siilanyo Isku Yeedhay Labada Gole Waa Shirkii Somaliland Lagu Baabi’in Lahaa …”

Maxamed Xaashi Oo Ka Digay Cidhib-xumo Uu Sheegay In Qarannimada Uu U Horseedayo Fadhi Wada Jir Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Isugu Yeedhay Labada Gole

 

Hargeysa (Hubaal):- Eng Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada xukuumada madaxweyne Siilanyo isla markaana iminka ka mid ah siyaasiyiinta madasha wadatashiga waxaa uu ka digay cawaaqib xumo ka dhalan kara fadhi aan caadi aheyn oo madaxweyne Siilanyo isku yeedhay labada aqal baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada .

Waxaa uu sheegay Eng Maxamed Xaashi in fadhigaas wada jirka ah ee uu madaxweynuhu isku yeedhay laba aqal uu yahay sidii uu uga ansixin lahaa in magaalada Berbera Saldhiga laga siiyo dawlada Imaaradka Carabta

Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in golaha guurtidu heshiisyadaas noocaas oo kale ah aanay xaq u laheyn in ay u codeeyaan balse ujeedka laga leeyahay uu yahay sidii tirada loogu badsan lahaa marka gacanta loo taagyo loona ansax san lahaa heshiiskaas

Dhinca kale Maxamed Xaashi Cilmi waxaa uu cod dheer ku sheegay in fadhigaas wada jirka ahi uu noqon doono shirkii Somaliland gabi ahaanteedba lagu bur burin lahaa

maxamed-xaashi-cilmi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here