“Maxamuud Xaashow Da’deed Ahayd Markaad Xoolaha Umadda Ku Tasa Rufaysay !!”

0
12

Siyaasi Buuni Oo Ka Jawaabay Khudbad Saacad Ah Oo Uu Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Somaliland

Hargeysa-(Hubaal)-Siyaasi Cabdinaasir Maxamed Buuni oo hore uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaa ka jawaabay khudbad saacad ah oo uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somalilan, Maxamuud Xaashi Cabdi u jeediyey qaar ka mid ah warbaahinta taasi oo uu ku dhaliilay Xukuumadda maanta talada haysa.

Siyaasi Buuni ayaa sheegay in Maxamuud Xaashi aanay u banaanayn in maanta uu umadda Somaliland lasoo hor istaago arrimo ku saabsan musuq iyo wax isdabamarin.

“Maxamuud Xaashow da’deed ahayd markaad xoolaha umadda ku tasa rufaysay, Aayadaha quraanka ee aad maanta soo daliishanaysa ma maantay soo dageen? Soo may jirin markaad xilka haysayba , waxaad umadda u sheegayso waxaad tahay qofka koobaad ee ku sifoobay, aakhiradaada u tudho oo umadda cafis weydiiso  ” ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here