HUBAAL TV: DAAWO Maxay Dawo Ka Tahay Xaal-marinta Wakhtigeedii Dhacay Ee Odayaal Reer Awdal Siiyeen Kuwii Galbeedka Burco?+SAWIRO

0
44

 

Boorama (Hubaal) – Xubno ka tirsan odayaasha reer Awdal ayaa toddobaad kaddib shalay sheegay inay odayaashii reer Burco ee Boorama martida u ahaa toddobaadkii hore ka xaal marinayaan sidii odayaasha reer Burco kaga baxeen magaalada Boorama, isla markaana xukuumadduna dusha uga saartay xasiloonidarada magaalada ka taagan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, hadalka arrintaasi ee odayaasha reer Awdal ay shalay Boorama kaga hadleen ayaa uun loo qaadan karaa inuu yahay mid siyaasadeed oo daba socda hadal Arbacadii ina dhaafay uu warbaahinta ka jeediyey Guddoomiyaha ku-xigeenka xisbiga Waddani, Axmed Muumin Seed oo sheegay in hab-dhaqanka odayaasha galbeedka Burco ee Boorama uu shakhsi ahaan ka “xaal-marinyo” eedaha ay dawladdu u soo jeedisayna ahaayeen kuwa been ah, loona baahnaa in odayaasha reer Awdal arrinta odayaasha reer Burco wakhti hore ka hadlaan, hase yeeshee maanta oo ay toddoba ama siddeed casho ka soo wareegtayna aanay dib u soo xusuusin wixii dhacay toddobaad ka hor, maadaama oday-dhaqameedyada Boorama xukuumadda ka difaaci waayeen odayaasha galbeedka Burco ee iyaga martida u ahaa, sidaa darteedna xaalmarintani tahay uun wax aanay qaadan karin odayaashii Galbeedka Burco.

Xaalmarinta Odayaasha reer Boorama oo imika la baxay magaca ‘Salaadiinta Galbeedka Dalka ” ayaan sidoo kale daawo u noqon karin qaabkii ay Boorama kaga baxeen, isla markaana loo qaadan karo shirqool ka dhan ah odayaasha Galbeedka Burco, xusuusnaanna doonaan intii muddo ah hadiiba aanay dhicin wadiiqooyin kale oo oday-dhaqameedyadaasi ku illoobi karaan wixii dhacay toddobaadkii hore maantana ay afkooda ka haystaaan sheeg-sheegisteeda, loona baahnaa inay odayaasha reer Boorama ka aamusnaadaan arrintaasi balse aanay ku dhaqdhaqaajinin.

Boorama

Odayaasha Boorama-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here