Maxay Dunidu Ugu Mashquushay Somaliland? Qormo Taxane ah oo Wargeyska Hubaal Kuu Diyaariyay

0
163

Maxay Dunidu Ugu Mashquushay Somaliland?  Qormo Taxane ah oo Wargeyska Hubaal Kuu Diyaariyay

Qaybtii 1aad
Waxaa baryahan danbe la arkayay wadamo baddan oo Dunida ah, oo danaynaya Dalkan aynu ku noolnay ee Somaliland. Haddaba su’aashu waxay tahay waa maxay danaha ay ka leeyihiin Wadamada Dunidu Dalkan Somaliland? Hubaal Media Group, oo isku dayaysa inay waxoogaa ka taataabato arrimahaas sababay danaynta Somaliland, ayaa waxay si taxane ah u soo gudbin doontaa qoraalo cilmi baadhis ah, oo si qoto dheer u eegaya danaha Wadamada Caalamku ka leeyihiin Somaliland.
Cilmi baadhistan waxaynu u kala qaadi doonaa ama u qaybin doonaa dhawr qormo oo ay ka mid yihiin:- Danaha Xeeladeed ama Istaraajiyadeed (Geostrategy), Danaha Dhaaqaale iyo Khayraadka Dabiiciga ah ( Economic interest and Natural Resources), Taariikhdii iyo Dhacdooyinkii Dalkan Somaliland lahaa (History), iyo Qaab-dhismeedka cusub ee Dunida lagu haggo ( New world order),

china
1. Qormada Koowaad:
Qormadan koowaad waxa aynu ku eegi doonaa danaha Xeeladeed ama Istaraajiyadeed (Geostrategy) ee laga leeyey Somaliland. Marka laga hadlaayo Istaraajiyadaha Militari, Somaliland juquraafi ahaan, waxa ay ka midtahay Todobada goobood ee Aduunka ugu muhimsan ee ay maraan Maraakiibta saliida ee Aduunka u kala gooshta, loona yaqaano (World Chokepoints) kuwaas oo kala ah:-
Marin Biyoodka Hormuz, Marin Biyoodka Malaka, Suweys Kanaal, Qasabadaha Marin Saliideedka SUMED, Marin Biyoodka Baab-bal Mandab, Marin Biyoodka Danishka, Marinka Turkish iyo Gacanka Panama.
Bal haddaba aynu inyar jaleecno xaddiga Saliidda qaydhiin iyo agabka Baatroolka ee maalin walba mara todobadan dariiq ee aynu kor kusoo xusnay.

 

Maraakiibta dagaal ee Iran

 

Capture.PNGkkkk

Tusaale ahaan sannadkii 2013, waxaa marin Biyoodka Bab-bal Mandabka oo loo yaqaano ama micnihiisu yahay (Kadinkii Ilmada), una dhexeeya dalalka DJabuuti iyo Dalka Yaman, Maalin walba marayay Salliid xadigeedu dhan yahay Sadex Milyan iyo Sideed Boqol oo Barmiil (3.8 million), Salliidaas oo dhammaanteed loo dhoofinayo ama u socota qaarada Yurub, Maraykanka iyo Eeshiya.
Waxaa kale oo hubaal ah in Ganacsi kasta oo mara Marin Biyoodka Canal Suweys-ka, noocay doonaan ha ahaadaane, ay dhammaantood soo maraan ama sii maraan Gacanka loo yaqaano Golf of Adan iyo Bab-el Mandab.

 

 

Gulf of Aden
Haddaba, Bab-bal Mandabka, oo la xidho ama rabshado Gobolka ka dhacaa ay carqaladeeyaan waxay keenaysaa in Maraakiibta Aduunku gaadhi kari waayaan Marin Biyoodka Canal Suweys-ka iyo Beebabka SUMED, ee Saliidda ka soo qaada Dalalka Sucuudi Arabiya, Abu Dubi, Kuwayt iyo Masar, oo Dakadoodu tahay Biyaha Badda Midhatareeniyaanka, taasina ay sababayso in Maraakiibta Waaweyn ee Saliidda Qaadaa ay ka soo wareegaan xagga hoose ee Badweynta Atlantiga, kana soo Wareegaan Biyaha loo yaqaan “ Cape of Good Hope,” ee ay ku kulmaan labada Baddaadood ee Atlantiga iyo Badweynta Indian-ka loo yaqaano oo Aduunku Qarnigii sided iyo tobnaad hore u mari jiray, xuduna uu u ahaan jiray Wadanka South Africa. Taasina waxay keenaysaa khasaare kharash, hoos u dhac dhaqaale iyo dib u dhac wakhti, oo dhammaantood Shirkadaha iyo maraakiibtaba ku dheeraad noqonaysa.
Waxaa aynu ognahay, in Maraakiibta dagaalka ee Wadamo badani ay haatan ku suggan yihiin Badda Cas, si ay u ilaaliyaan Maraakiibta saliidda u sida Wadamadooda. Aynu tusaale u soo qaadano dhawr wadan oo Maraakiibtoodu joogaan Baddan :-

 

 

EU
1) China: Wadanka Shiinuhu (China), wuxuu bilaabay Sannadkii 2008-dii, in uu keento Maraakiibtiisa Dagaalka (PLAN task force) Badda ku dhereran Somaliland ee loo yaqaano Badda Cas iyo Baab-bal Mandab. Dabayaaqadii sanadkii 2010-kii, tirada Maraakiibta Dagaalka ee Shiinuhu leeyahay ee jooga Baddan waxay gaadhayeen ilaa todoba Markab oo kuwa Dagaalka ah, Bishii September 2014-kana Wadankaasi Shiinuhu, waxaabu soo diray Gujis Dagaal, oo uu ku xoojinayo Maraakiibtiisa Dagaalka, si uu ugu badbaadiyo Ganacsigiisa ka kala gooshaya Badda Cas.
2) Wadamada ku jira Midawga Yurub (European Union), ayaa iyagoo tixraacaya qaraaradii Qaramada Midoobay ay soo saareen, eek ala ahaa ( 1814, 1816, 1838) ee ay soo saareen sannadkii 2008-dii, ayaa bilaabay qorshe loo yaqaano ama ay ugu magac dareen (Operation Atlanta), Qorshahaas oo ay Ciidamo ugu dirayaan Badda Cas ee Somaliland iyo aaga Marin Biyoodka Baab-bal Mandab. Sanadkii 2011-kii, ilaa sadex iyo labaatan Wadan oo ku jira Midawga Yurub iyo ilaa afar Wadan oo kale ayaa cagta kula jiray qorshahan loogu magac daray Operation Atlanta.
3) Wadamada ku Bahoobay Gaashaanbuurta NATO (North Atlantic Treaty Organization) waxaa iyana ka jooga Badda Cas ee Somaliland iyo Marin Biyoodka Baab-bal Mandabka, Ciidamo tiro badan, qorshahay ku joogaana loogu magac daray (Operation Ocien Shield.)

Iran
4) Wadanka Iran, waxa ay muddadiiba soo diraan koox Maraakiibta Dagaalka ah oo bedela kuwii hore uga joogay Badda Cas iyo Marin Biyoodka Baab-bal Mandabka, iyadoo bishan aynu ku jirno ee November 2014-ka, uu Wadanka Iran soo diray kooxdii laba iyo sodonaad, kuna jiraan laba markab oo lakala yidhaahdo Bushehr helicopter-carrier iyo Jamaran destroyer
5) Wadanka Ruushka, ayaa isna soo dira Maraakiib Dagaal. Tusaale ahaan, bishii September ee Sannadkan 2014-ka, Ruushku, wuxuu soo diray koox ka tirsan Maraakiibtiisa Dagaalka, kana mid yihiin oo ay ka mid yihiin sadex Markab oo lakala yidhaahdo:- Admiral Panteleyev missile destroyer, Butoma supply tanker iyo Fotiy Krylov salvage tugboat.
Waxaa muuqata, in waddan kastaa ilaashanayo danahiisa gaarka ah, kuna aaminaynin waddan kale inuu u ilaaliyo dantaasi uu gaarka u leeyahay, Waxaa kaloo iyana la odhan karaa in aan Budhcad Baddeed oo keliya laga ilaalinayn Ganacsiga Waddamadan, balse, sidoo kale, Waddanba Waddanka kale ka ilaashanaayo in la waxyeeleeyo Maraakiibtiisa Ganacsi ama kuwa Saliidda u sida. Haddii aanay taasi jirin, waxay noqon lahayd in Waddamadani iskaashadaan oo ay hawlgal Midaysan wada samaystaan.
Waxaa iyana lagama maarmaan ah in la fahmo, in Waddamadani u tartamayaan sidii ay gacanta ugu qaban lahaayeen Waddankan curdinka ah, isla markaana aan Dunidu Aqoonsanay ee Somaliland iyo Baddiisaba. Waayo, Waddanka ku guulaystaa wuxuu noqon doonaa Waddanka ugu awooda baddan Aduunka. Dooda sidan aaminsan, waxaa taageeraya aragtidii Qoraaga Maraykanka ah ee Magaciisa la odhan jiray Alfred Thayer Mahan, ee buugiisii la odhan jiray The Influence of Sea Power Upon History (1660 – 1783). Qoraagan Mahan, oo Buuggiisa ku Qoray arrimo baddan, ayaa waxa uu sheegayaa in Waddanba Waddanka uu kaga awood badanyey xagga Badda iyo maamulkeeda, uu Waddankaasi noqonayo Waddanka ugu awooda badan Aduunka. Hadii si kale loo dhigo aragtidani waxay sheegaysaa in maamulka Baddu, uu yahay ta aasaaska u ah awooda Caalamiga ah, ee uu Waddan leeyey.

Lasoco…………………..

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here