Madaxweyne Biixi oo Qaabilay Amb Pavel Mikes iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay dalka soo gaadhay
Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Ambassador Pavel Mikes oo safar ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Kulanka ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo ahaa mid albaabada loo xidhay oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, waxa markii uu dhammaaday qoraal saxaafadeed kooban kasoo saartay Madaxtooyadda Somaliland. Nuqul ka mid ah qoraal saxaafadeedka oo soo gaadhay Wargeyska Hubaal, waxa lagu sheegay in lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horrumarinta waxbarashadda, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horrumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan. Sida lagu yidhi qoraalka kooban ee kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.
Qoraal saxaafadeeedka ayaa lagu xusay in gebagebadii kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa, iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimi Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse qoraalka faahfaahin dheeraad ah oo la xidhidiha booqashada xilligan ee Safiirka Dalka Czech Republic u fadhiya dalka Ethiopia laguma bixin.
Socdaalka Safiirka ee Hargeysa, ayaa kusoo beegmay xilli xaaladda dalka Ethiopia ay kusii socoto qalalaase oo uu ka jiro dagaal u dhexeeya ciidamadda dalka Ethiopia ee dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Tigray, isla markaana xaaladda dagaalka ee ka taagan dalka Ethiopia laga cabsi qabo inuu saamayn ku yeesho amaanka iyo nabadgelyada mandaqada oo awalba liitay.