Akhri: Nuxurka Kulan Dhex Maray Madaxweynaha JSL Iyo Wakiil Ka Socday Dawladda Jarmalka
Hargeysa – (Hubaal) – Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xafiiskakisa ku qaabilay Danjire Markus Bollmohr oo ah safiir ku-xigeenka Dawladda Jarmalka ee fadhigeedu yahay dalka Kenya ,Nairobi. Ugu horeyn madaweynaha waxaa uu soo dhaweeyay Danjire Markus. Madaxweyna Siilaanyo wuxuu ku amaanay doorka mug leh ee dawlada jarmalka ka qaadato mashaariida ay ka taageerto Somaliland ee xaga wadooyinka iyo biyaha. Waxa kaloo Madaxweyne Siilaanyo madaxweynuhu uga mahad celiyay dawladda jarmalka kaalimadda iyo taageeradda dawladda jarmalku mar walba la garab istaagto jamuuriyadda Somaliland gaar ahaan xaga doorashooyinka iyo hayadda jarmalka GIZ qaadhaanka ay ku bixiso horumarinta wadooyinka dalka gaar ahaan wadada isku xidha kala baydha wajaale, berbera ilaa sheikh. Madaxweynuhu waxa uu u sharaxay wakiilka go’aankii uu ku kala qaaday labada doorasho,(baralamaanka iyo madaxtooyada).
Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taama oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aanu dhaqanka u leenahay kaasoo ah wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo tallo-wadaag iyo in aanu annagu leenahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu, Sida ay awalba yeeli jireen, waxaanu ku rajo weynahay in Bulshada Caalamaku ay rabitaankayaga nagu tix-gelin doonaan.”
Danjire Markus ayaa dhankiisa ku amaanay Somaliland Horumarka balaadhan ee ay ka sameeyeen xaga dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda, wuxuuna sheegay In ay muhim tahay in tixgelin weyn leedahay dib u eegista saami qeybsiga kuraasta barlamaanka ee gobolada Somaliland.
Kulankaas waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Arrimaha diebdda JSL Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarija Somaliland Mudane Adiqani Axmed Goole.
Source: Ministry of Foreign Affairs and international Cooperation
Republic of Somaliland