Murrashaxiintii dbad-wareega ahaa oo gelbis lagu keenay xarunta dhexe ee Xisbiga, Samaale oo Weli Dibad wareeg ah iyo Heshiis qabyo ah oo lagu dhawaaqay
Kaddib kulamo isdaba joog ah oo Madaxtooyada iyo Xarunta dhexe ee xisbiga ka socday gelinkii hore ilaa labadii duhurnimo ee maanta, Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta Xisbiga saddex kamida Murrashaxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan Madaxweynaha xisbigaas ee shanta sannadood ee soo socda, ayaa waxa lagaga dhawaaqay qodobada Heshiiska.
Qodobada Heshiiska waxa kamida in shan xubnood oo ay afar kamid ahi hogaanka xisbiga ka tirsanyihiin loo xil saaro hagida shirka Golaha dhexe ee Xisbiga,guddidaasoo sida la sheegay ay labada dhinacba ku qanceen magacaabistooda iyo howsha loo igmaday.
Shanta xubnood ee Guddida ah ayaa kala ah;
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Maxamed Kaahin
Guddoomiye ku-xigeenka labaad Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye
Guddoomiye ku-xigeenka afaraad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Xasan Siciid
Iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.
Afarta xubnood ee guddida kaga jira hogaanka xisbiga ayaa waxay kala taageersanyihiin labada dhinac ee Murashaxiinta, halka uu Wasiirka Gaashaan-dhigu yahay xubinta qudha ee dibada ka joogtay loollanka socday.
Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Kijaandhe oo saddexdooduba ah Murrashaxiin hankooda cadeystay, ayaa soo dhaweeyey, guulna ku tilmaamay qodobada heshiiska.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo heshiiska warbaahinta u akhriyey, ayaa ku tilmaamay qodobadan kuwo ay isla qaateen dhinacyada Murrashaxiinta xisbiga, isla waxa uu ku doodday inaan loo fasiran Karin qorshe lagu minjo xaabiyey masuuliyadii maamulka xisbiga.
Dhinacyada Heshiiskan gaadhay waxaan qayb ka ahayn, isla markaana goobta laga shaaciyey ka maqnaa Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamida Murrashaxiinta sheegay inay ku tartamayaan Shirka Golaha dhexe.
Faallo-wareed
Si kastaba ha ahaatee hirdanka kulul ee u dhexeeya Murrashaxiinta xisbiga iyo xaaladaha isbedbedalaya ee marba waji bulshada ku hor imanaya waxa hal-xidhaale ku ah ajandeyaasha qarsoon ee uu Madaxweyne Siilaanyo ka damacsanyahay Xisbigan, kuwaasoo doc-wareen iyo jallaafooyin ku ah madaxbanaanida hogaanka xisbiga iyo awoodaha shuruucda xisbiga ku xusan ee ku aaddan maamulka arrimaha hadba taagan.
Su’aalahase ugu adag ee iminka horyaalaa Bulshadu waxa ay yihiin waa kuma Murrashaxa rasmiga ah ee Xisbiga Kulmiye?. Miyuu tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo? Haduuse tanaasulay waa kuma Ninka uu ku aamini doono Mustaqbalka iyo sii waaritaanka xisbigaas.
Inta ay doodda isweydiimahani saaxada Siyaasada taallo waxa muuqata inaanu xallad lahayn loollanka u dhexeeya Murrashaxiinta gelbiska lagu keenay xarunta dhexe ee Xisbiga ee uu ugu tunka weynyahay Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo garabka uu hogaaminayo Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo ah hogaamiyaha sharciga ah ee xisbigaas.
By: Saleebaan Kalshaale
Chief Editor of Gobanimo News Agency
Hargeisa…..Somaliland