Maxay Qalin-jabinta Jaamacada Hargeysa Kaga Duwan Tahay Kuwii Dhiggeeda Ahaa Ee Dalka Ka dhacay? Qalinkii: Dhaqaale-yahan Ridwaan-Akiid

0
58

Horumarka iyo taabo galinta bulsahada waxaa kow ka ah tayada waxbarasho ee umada lee dahay iyadoo dunida ku kale awood badan tahay sida ay u kale aqoon badan yiniin Somaliland waxay ka mid tahay dalalka ku yaala dunida sadaxaad oo aqoon badan caalamku u lahayn ayaa ku talaabsatey horumar balaadhan oo dhinacyo badan ah iyadoo laga xusi karo doorka weyn ee bulshada reer somliland ka gaadheen kobcinta iyo kor u qaadida tacliinta da yarta wadanka iyadoo laga soo bilaabey meel aad u liidata sanadka 2014-ka waxaa goobaha waxbarshada qaybaheeda kale duwan ka baxay ardey tiro badan sida dugsiyada hoose ku dhexe iyo dugsiyda sare ardeydaas oo tayadoodu ay sareyso waxaana halkaa kaaga muuqda dadaalka iyo waxqabadka ay sameyn karaan bulshadu mar key isku tashato kana midho dhalin karaan himaladooda mustaqbal ee hayaanka ay ugu jiraan si ay u gaadhaan hadafyada ay leee yihiin marka aynu eego bulshada reer s.land halka ay ka gaadheen aqoonta sare gaar ahaan barashada tacliinta jaamacadeed ayaa ah in dalka ay ka jiraan in ka badan dhaw iyo toban jaamacadood oo qaarna laga lee yahay dalalka caalamka, jaamacada ka jira wadanka ayaa door weyn ka qaatey kobcinta tacliinta sare ee heer jaamacadeed ee bulshada iyagoo dhalinyarada siiya aqoon iyo xirfado ay ku shaqo tagaan si dadkooda iyo dalkoodaba wax ugu qabtaan iyadoo sanadkan ay jaamacada kale duwan ee dalka ka baxeen ardey ka badan sadax kun (3000) oo ardey oo dhamaystey kuliyado kale duwan dhalinyarada aqoonta jaamacada dhamaystey ayaa waxaa baahi weyn u qabey bulshada reer s.land oo taakulo tacliineed u baahnaa

Phote-file: Dhaqaalo-yahan Suxufi Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaaciil, Email Akiid14@gmail.com  ama Ridwaan_akiid@twitter, Tell 063-4417227 ama 063-9109190
Phote-file: Dhaqaalo-yahan Suxufi Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaaciil, Email Akiid14@gmail.com ama Ridwaan_akiid@twitter, Tell 063-4417227 ama 063-9109190

University of Hargeisa ama Jaamacada Hargeysa waxaa la aas aasay sanadkii 2001-dii markaas oo umada reer s.land ku jirtey unkanka ama aas aaska adeegyada arimaha bulshada shaqsiyaadkii lahaa fikirka jaamacada ayaa markii bulshadu maqashey waxay kaga dareen celiyeen in jaamcada hir galinteeda aynay suuro gal ahayn iyogoo ku iftiimayay dhaqaalaha jaamacad ku baxay aan la hayn guulaysigeeduna ay tahay arin adag lakiin xukuumadee waxtigaa talada haysay iyo aas aas aasayaashii jaamacadoo taageero aan muuqan ka helayay bahda waxbarashada ayaa ku dhiiradey talaabadaa dhaxal galka noqotey ee da yarteenii ka faaideysa bulshadana kuga faaideyeen aqoon yahan badani ka soo baxeen imika midhaheedii la guranaayo ardey gaadheysa todoba baqol sagaashan iyo sada(793) ardey oo waxbarasho ka qatey 11 kuliyaadood ayaa dhamaystey jaamacada hargeysa oo muddo afar sano ah ku soo jirey barashada tacliintaa – jaamacada hargeysa waa jaamacada laga ansixiyay golayaasha sharci dajinta dalka. – jaamacada hargeysa wakhtigeeda waxbarsho waa afar sanadood. – jaamacada hargeysa waa goobaha ugu imtaxaanka adag jaamacada dalka. -jaamacada hargeysa waa jaamacada ugu baladdhan jaamacadaha ka jira s.land. -ardey kasta oo ka baxa dugsiyada sare waxuu hiigsadaa ama maankiisa ku jirta in uu ka mid noqdo ardey jaamacada hargeysa aqoonta ka qaato. madasha qalin jabinta jaamacada hargeysa waxaa ka soo xaadira ciidamada muusikada ee loo yaqaano Baan booyda arintaa oo jaamacada kali ku tahay oo aan lagu wehelin jaamacada waxaa barayaal sare ka ah khabiiro bahda tacliinta sare ka dhigi jirey dalalka caalamka iyo dhalinyaro ka soo baxay jaamacadaha dibada oo dadaal karti iyo aqooneed leh jaamacadana ka dhigey mid lawada jacleysto hanaanka waxbarsho ee jaamacada hargeysa ayaa ah mid qiimo gaar ah xusan heerkiisuna la jaan qaadaayo nidaamka waxbarsho ee jaamacadah dibada mudadii aan waxbarashada kaga jirey jaamacada hargeysa ayaa waxaan daalacan jirey isbadalka xawliga ku sacda ee jaamacadu ku talaabsanayso marba marka ka danbeysa iyo sida ay horumarka ugu talaabsatey waxaan maro ka ahay in qaanuunka sharci ee jaamacada u yaalaa uu yahay mid qiimo balaadhan wata arintaas oo door weyn ka qaadan doonta hayaanka waxbarsho ee umada reer somliland lee dahay si looga midho dhaliyo hanka iyo himilada bulshada iyadoo taageero caalamiya helin isku filnaashaha gaadhey waxqabad muuqdana qabsatey guud ahaan ardeyda ka qalin jabisey jaamacada kale duwan ee dalka waxaan lee yahay isku daya in aad wadankiina wax qabad muuqda u soo kor dhisaan ugana mid dhigtaan dalalka horumarey
Qalinkii Dhaqaalo-yahan Suxufi Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaaciil
Email Akiid14@gmail.com ama Ridwaan_akiid@twitter
Tell 063-4417227 ama 063-9109190

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here