Maxay Saamayn Ku Yeellan Kartaa Xukuumadda Wasiirradii Iska Casilay?-W/Q Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

0
41

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 26-10-2015, xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo iska casilay xubno 10 gaadhaya, kuwaas oo ay ugu tun weynyihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali, Wasiirka arrimaha dibadda M. Biixi Yoonis iyo wasiirka caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid.

Isweyddiintu waxa ay tahay, maxay saamayn ku yeellan kartaa xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye is casilaaddan wasiirradu?

xuseen xasan

Marka aynnu u eegno waxa keensaday is casilaadda, oo ah loolanka xisbiga Kulmiye oo marba waji soo lahaa, waxa ay noqon kartaa in saamayn togan ayna ku keensanayn xukuumadda.

sababtu waxa loo aanayn karaa, xubnahan xukuumadda iska casilay, waxa tartan ugu jireen sidii murrashaxa xisbiga iyo guddoomiyaha xisbiga u wada hantiyi lahaayeen, loolankaa ay galeen, waxa ay la galeen guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo isna u taagan murrashaxnimada xisbiga Kulmiye uga qayb galaya tartanka 2017. Tartankaa labada dhinac dhex maray ayaa ah mid lagu kala adkaaday, maaddaama la is muquuniyey way dhacaysaa in ragga laga xoog batay dhan kale u roggaan sidaasaddooda. Markii hore waxa la saadaalinayey in arrimaha sidan oo kale ahi dhacayaan, waana sunne iska caadi ah oo tartanku keensado.

Iscasilaaddan dhacday, waxa ay la mid tahay istiqaaladdii hore ee wasiirradii maaliyadda iyo warshadaha ay sameeyeen march 2015, istiqaaladdaa hore ee Samaale iyo Abiib ku kaceen oo xukuumadda wax saamayn ah ku keenin ayey tan hadda dhacday na u saansaan eegtay, iyaga oo dhammaantood daarnaa loolanka xisbiga Kulmiye.

way dhici lahayd in saamayn xoogan xukuumadda ku yeellato haddii wasiirradani sabab aan tartan laga badiyey aan ahayn xukuumadda uga tagi lahaayeen. waxa kale oo la sii ogyahay in madaxweynu taageeray guddoomiyaha xisbiga, taas oo ah sunnaha dowladnimo, maaddaama oo Muuse yahay guddoomiyaha xisbiga sida oo kale na yahay siyaasi ku habboon hoggaaminta dalka, in uu ku gacan siiyo wax la filayey oo la rajaynayey ayey ahayd.

Xubnahan is casilay, waa xubno ka cadhooday taageerada uu madaxweynuhu u sameeyey Muuse Biixi, sidaas oo ay tahay saamayn siyaasadeed oo xun kuma laha xukuumaddii ay iska casileen, sida oo kale iyana waxa jirta in bulshadu ay ka soo taagnaayeen wasiirradan, iyaga oo loo arkayo niman aan xilkii umadda gudan, sida oo kale na awoodo badan ku tagri falay.

Madaxweynaha waxa se la gudboon, in xubno culculus oo howl-kar ah soo magacaabo, kuwaa oo buuxiya kuraastii ay baneeyeen wasiirradaa hore, markasta oo dib u dhac weyni ku yimaad buuxinta

jagooyinkaas, waa markasta oo dacaayad ay helayaan wasiirrada xilka uga cararay tartan lagaga adkaaday.

Guddoomiyaha xisiba, ah na murrashaxa xisbiga, waxa isna saaran in dedaal xoog leh iskugu geeyo sidii uu xisbiga dib u habayn ugu samayn lahaa, si ayna saamayn ugu yeellan raggaa ka huleellay xukuumadda. maanta isaga ayaa ka guddoomiye ah, kana murrashax ah, sidaa awgeed waa mid laga filayo in xoog iyo xeelladba iskugu geeyo dadka xisbiga ku wada jira ee xafiiltanku dhex maray sidii loo bogsiin lahaa, xisbigu na isku diyaarin lahaa in guusha uu gacanta ku hayo sii xejisto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here