Wasiir Guri Barwaaqo Oo La Kulmay Cabasho Iyo Culays Kaga Yimi Isku-Shaandheyntii Uu Sameeyey
Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, ayaa la kulmay cabasho xooggan iyo culays ka dhashay isku-shaandheyn uu ku sameeyey Agaasime-waxeedyada Wasaatadaas Khamiistii la soo dhaafay.
In ka badan toban Agaasime-waxeed iyo madax-qaybeedyo ka tirsan Waaxyaha Wasaarada, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Wasiirku ku deg-degay talaabada isku-shaandheynta uu sameeyey.
Daawo: Mushkiladan
Wasiirka iyo Maareeyihii hore ee Telefishanka, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay Eeddeymo isku mariyey Warbaahinta.