W/Q: Aqoonayahan Maxamed Xaaji
Jamaal is-beddelkii uu taageerayaashiisa u sheeggi jiray ma waaney fahmin baa xaajo, mise isaga ayaa si qaldan is-beddelka ugu macneeyey taageerayaasha intooda ka leexatay?. Is-beddelku ma aha qof cusub ee waa hab siyaasaddeed oo cusub iyo dib u habbayn dawladnimo oo ka duwan sidii hore ay wax u shaqayn jireen. Taageerayaashii Jamaal qayb ka mid ahi waxa ay u qaadatay in is-beddelku qof yahay. Dee waaba wanaag e, Kulmiye ma Siilaanyo ayaa ka sharaxan saw isba nin cusub ma aha murashax, miyaad kaaba is-beddel cusub ka dhigataan?. Kaftankaa yar ka bacdi, marka hore Jamaal waa uu mahadsan yahay haddii uu taladii siyaasiga ahayd ee aan siiyey sideedii u qaatay. In badan oo aan ogayni waxa ay u dhasho gadaal bay ka ogaan doonaan. Aan ka jawaabo su aasha e, maxaa keenay in Jamaal Kulmiye ka ag-dhawaado? Waxa keenay laba xaal oo aad isugu sidkan oo Somaliland dhaqan-siyaasaddeedkeeda ka mid noqday:-
Arrinta koowaad waa in aaney suura-gal ahayn in han siyaasi ahi u suura-galo qof aan deegaankiisii wadan, Somaliland deegaannadeeda kale kuu coddayn maayaan oo hoodh lagu gu qoysan maayo haddii deegaankaagu aannu madaxa kugu sidin. Arrinta labaad waa in uu dalka musuqmaasuq weyn oo sharci ahi ka jiro kaas oo siyaasaddii dulleeyey oo kabaha kala baxay. Musuqa kan noociisa waxa la yidhaa ”Grand Corruption” waa in sharciga iyo siyaasadda qaranka la musuqo oo laga dhigo mid aan danta guud u adeegayn ee siyaasiyiinta u adeegaysa. Musuqani waa ka Jamaal dulmay ee murashaxnimadiisii ka qaaday. Waa ka keenay in Faysal ka adkaado ee cadaaladdii maalin cadday caadka saarray. Jamaal musuqaa waa uu darsay oo uu yaqiinsaday, in uu la dagaallamo ayuu se u xadhko xidhay. Isla musuqaa ”Grand Corruption” ee uu Jamaal la dagaallamayo waxa ku naaxay oo ku soo baxay Xisbiga Waddani, waxa lagu reebay Gabboose, maanta Cirro waxa uu ku yahay Guddoomiye Wakiillo, murashax xisbi iyo Guddoomiye xisbi intaba. Waa ka uu Xirsi hoggaamiyaha ku yahay sharcigu u caal-waayey, ee Ina Jirde waraabe u taagga ka dhigay. Sidoo kale waa musuqii Muuse iyo Maxamed Kaahin shanta sannadood Madaxtooyada af-duubani madaxa kaga garaacaysay. Musuqii halka maalin Maxamed biixi dammaca murashaxnimo ku riday ee Somaliland oo dhan isku cayn iyo bayd gooyey! Shu’aashu waxa ay tahay, Jamaal ma musuqii dilay ee kabaha kala baxay cidda ku naaxday ayuu taageeraa mise isla musuqii ayuu la dagaallamaa?. Su’aashaasi shacabka Somaliland ayey u furan tahay, iyaga ayaana ka jawaabi doona. Anigu se waxa aan leeyahay Jamaal maanta ma ilduufin ee cadowgiisa oo ahaa musuqa ayuu la dagaallamayaa. Insha Allahu ”Grand Corruption” Muuse iyo Maxamed Kaahin waa ay ka adkaadeen e, adna dhawaan ayaad ka adkaan doontaa. Idinka oo wada jira ayaa qarankana ka samata-bixin doona musuqaa gasariirray. Aniga qudhayda ayaa neceb oo musuqa kani waa ka nin wanaagsan oo dhan dahaadhay ee huubaha korka soo mariyey nuxurkii iyo labeentii umaddana hoosaysiiyey ee gunta dhigay.
Mohamed Hagi