Mohamed Abdirahman Hussein (Xato)
Madaxweyne muuse oo bulsho weynta reer Somaliland ay waxbadan ka filayeen in xukumadiisu ku talaabsan doonto ayaa waxyabaaha sida weyn loo soo dhaweeyey ee wax qabadkiisa ka mid ah Hantidii ay dawladii hore ku tagri fashay oo uu dib ugu soo celiyey gacanta dawlada kuwaas oo laga xusi karo arinta raasiga berbera, ilaalada madarka iyo baarkinka madarka, Haamaha kaydka shidaal ka ee berbera iyo hanti badan oo ay dawladu leedahay oo uu dib u soo celiyey iyo tirakoob uu ku sameeyey hantida dawlada.
Hasayeeshee arimaha bulshadu sida weyn ay u sugaysay waxaa ka mid ah in uu madaxweynuhu dib u soo celiyo Hay’adii Korontada Dawlada oo bulshadu aad ugu baahi qabto maadaama oo ay lacago badani kaga baxaan isticmaalka laydhka gaar ahaan bulshada Somaliland ee danyarta ah.
Nasiib daro arintaas madaxweyne muuse waxba kama qaban, waxaana uu wali laydhkii dawladu gacanta ugu jiraa ashkhaas gaar ah oo lagu naas nuujiyo kuwaasi oo dhiig miirato ku noqotay bulshadii danyarta ahayd iyo gacansatadii kale ee sida xorta ah uga ganacsigan jiray laydhka.
Ka sakow dadka danyarta ee aan helin baahidii koronto ee ay dawlada xaqa ugu lahaayeen waxa wax lala yaabo ah in xafiisyada wasaaradaha iyo haayadaha kale ee dawlada kharashaadka ugu badani kaga baxo isticmaalka laydhka taas oo hadii ay dawladu soo ceshan lahayd laydhkeedii wax badan ka tari lahaa lacagta adage e ay dawladu ku bixiso nalka ay isticmaasho.
Celcelis ahaan lacagta miisaaniyada ugu jirta sanadkan 2019 ee wasaaradaha iyo haayadaha dawlada ay ku isticmaalaan nalka waxay dhantahay 4,865,160,790 (Afar Bilyan Sideed boqol iyo shan iyo lixdan milyan boqol iyo lixdan kun todob boqol iyo sagaashan shillin) taasi oo ka badan miisaniyada wasaarado muhiim ah marka loo eego qoondada ay ugu talo gashay dawladu miisaaniyada sanadkan.
Lacagtaas adagi waxay ku dhacdaa jeebka ashkhaas iyo shirkado gaar ah oo ay dawladu gacan saar la leedahay kuwaas oo noqday Gafane ku naaxay dhiiga iyo dheecaanka dadka danyarta ah oo ay weheliso lacagta ay dawladu ku bixinayso isticmalka laydhka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawlada.
Waxa wax aad loola yaabo ah iyadoo ay jiraan shirkado tiro badan oo laydhka ka hawl gala kuwaas oo ay ahayd in si xor ah oo siman ay u bixyaan adeega laydhka ee dawladu u baahato maadaama ay dawladu shirkadeedi korontada ay iibisay in hadana si gaar ah ay dawladu ugu xidhay shirkada dhiig miiratada ah ee SOMPOWER, waxanay dawladu ka maxarintay shirkadihii kale ee muwaadiniinta ahaa ee adeega ladhka bixin jiray.
Waxaa arintan loo aanaynayaa in dawladu si gaar ah ugu naas-nuujinayso shirkada SOMPOWER maadaama uu wasiirka macdanta iyo tamarta ee JSL uu hore u ahaa gudoomiyihii shirkada SOMPOWER uu hawshan gacan weyn ku leeyahay una fududeeyay sidii uu kooto ugu xidhi lahaa shirkada SOMPOWER laydhka ay dawladu isticmaasho.
Waxa arintan cadayn u ah iyadoo shirkada SOMPOWER si xor ah ugu jirto fidinta iyo tayeynta laydhkeeda, halka taa bedelkeeda shirkadaha ay ka mid yihiin INDHO BIRTA, TELESOM, GAAFANE iyo kuwa kale oo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah xaqna u leh in ay si xor ah uga ganacsadaan dalkood loo diiday in ay fidiyaan ama tayeeyaan xadhkaha laydhkooda.
Hadaba arintani waxay u muuqataa in ay dawladu dhinac ka tahay waxaanay khatar gelin kartaa Amniga iyo xasiloonida dalka ka jira, maadaama ay sababi karto isku dhac iyo iska hor imaad dhexmari kara shirkadaha kawada ganacsada korontada oo hadii aanay dawladu u cadaalad sameyn faraha aanay kala bixin eexda tooska ah ee ay cid gaar ah garabka ku saarayso kuna muquuninaysa hantida iyo ganacsiga muwadiniinta kale kharar keeni karta.
Halka hoose waxaan idiinku soo gudbin doonaa lifaaq ku sahabsan lacagaha adag ee ay dawladu ku bixiso isticmaalka nalka xafiisayda dawlada iyadoo lacagtaasi si toos ah ugu dhacda shirkada gaarka ah ee SOMPOWER, Halkii ay ahayd in ay dawladu dib u soo celiso hay’adii korontada ee dawlda bulshaduna ay aad uga warsugaysay in dib loo soo celiyo.
Ugu danbayn mudane Madaxwayne maka war qabtaa in halkii Unit ee Laydhka ahi uu ku socdo 1.5 Dollar taas oo dhiigbax ku ah bulshada danyarta ah ee Masuuliyadooda aad qaaday lagaana xisaabin doono, iyadoo arintaas ay hormuud u tahay shirkada dhiigmiiratada ah ee SOMPOWER.
La soco qaybaha danbe…………………………….
Mohamed Abdirahman Hussein (Xato)
La soco qaybaha danbe…………………………….
Mohamed Abdirahman Hussein (Xato)