Hargeysa (Hubaal) Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu kaga hadlay arrimo dhinaca dhulka la xidhiidha. Waxa kale oo Duqa caasimadu uu bulshada degmada Hargeysa ugu baaqay inay cashuurta bixiyaan. Waxaana uu sheegay maayirku in ciddii oofinweyda amaro uu soo saaray ay la kulmi doonaan ciqaab.