Ku-dhowaad toban gu’ oo aad tamaashiirta sidataa, sida aan qabo, waayo-aragnimo way kuugu filan tahay. Ubaxa aad cilmiga ku habto, hor-jooggooda waa lagu jimidh yaraadaa sida lagu doodo. Tacliintu sare uma kacdo mana siraadato ilaa guddi aqoonyahanno ahi manhaj tayaysan salka u dhigaan, ka dibna barayaal u tababarani ardayda ku haloosiyaan. Hadda ganacsi ahaan ayaa loola dhaqmaa, dhulkeenna waxaan carruurteenna loo soo waaridaa manhajyo qalaad sida England, Kenya, India iyo kuwo kale oon aan ku habboonayn dadkan, goobtan iyo goortan, waa se arrin in laga tashado u baahan iyadana uma socdo ee jaarkeeda ayaan u jeedaa maanta.