Dhallin Ileeye waxa laga hayaa “Wallee haddii aan karintaas laga guurin, goroyo heeryaysanna way ka soo bixi”. Waagii aan jaamacadda dhiganayay ayaanu maalin is xog-waraysannay saaxiibkay
oo Ruwanda ka soo jeeda, arrimo aad u badan ayaanu jibaaxnay maalintaas. Doodda maalintaas waxa ku jirtay Su’aal raad igu reebtay. Mudane Ruhirwa wuxuu I weydiiyay, “Intee in leeg ayaa bulshada Soomaalida Kiristaan ah?” anna isma lurine waxaan ugu jawaabay “Ma jiraan”. Xoogay hadduu iga aamusay aadna ii dhugtay wuxuu ii celiyay “Suuro gal maaha!” anna intaan indhaha ku caddeeyey ayaan tii uu fahmayay (Af-Ingiriisi) ugu dhaartay. Isla su’aashaas iyo isla sidaas ayaan kala kulmay meelo kale iyo marar kale, Iyana sidaas oo kale ayaan ugu indho adaygay inay bulshada Soomaaliyeed yihiin Muslim badhax tiran. Adiga haddii aan ku weydiiyo “Imisaa tolkaa diinta Islaamka ka baxay?” waan hubaa inaad ila dagaalayso, ama ugu yaraan aad sidaydii oo kale indhaha ii caddaynayso.
Muddo markii laga joogo waagaas, waxaan arkay Soomaali badan oo baadiyowday, ama u dhaw inay baadiyowdo. Haa, qaar iyagu caddaystay inay diinta isaga baxeen, qaar fidinaya diinta Kiristaanka, qaar la diriraya oo caayaya diinta Islaamka, qaar la dhacsan Calmaaniyadda. Waxaan kaloo arkay qaar aad u badan oo u jawaabaya kuwaas hore, qaar wacdiyaya oo toobbad ugu baaqaya, qaar caqliga kala hadlaya oo cilmi ahaan u qancinaya iyo qaar la diriraya oo nacdalaya.
Qolooyinka lunsan amma hallawga ku dhaw waxay isugu jiraan dhawr nooc: Kuwa la dhacsan fikirka Calmaaniyadda, laakiin aaminsan inay yihiin Islaam badhax tiran. Qaar mahadiyay caqligooda oo wax walba ula noqda caqligooda, wixii caqligooda ka horyimaaddana ganafka ku dhufta. Iyo qolo iyagu caddaystay inay diinta Islaamka ka hulleeleen oo ay u digo rogteen diimo kale sida Kiristaanka, sida Shabakada Masiixiyiinta Soomaaliyeed. Qolooyinkaasi, maalinba maalinta ka sii danbaysa waa ay sii badanayaan, waxaana khatar badan ugu jira inay galaaftaan ummad badan oo aan aqoon badan u lahayn diinta Islaamka, waayo qolyahani, khaas ahaan kuwa Caqliyadooda mahadiyay iyo kuwa Calmaaniyadda la dhacsan waa kuwo xarfaan ku ah sida bulshada wax loo dhacsiiyo.
Halkan aan idinkula wadaago dhawr dhacdo oo aan arkay, kolay qaar idinka mid ahina ila aragte. Dhacdooyinkaasi waa qaar mudan in laga murugoodo oo loo gurmado.
· Nin oday oo ka mid ah qolada la dhacsan Calmaaniyadda ayaa bogga hore ee Facebook-giisa ku xardhay sidan. 1
Garo oo ninkaasi wuxuu talo u jeedinayaa bulshada Af-Soomaaliga ku hadasha, oo uu leeyahay sidaasaa fiicane aynu yeelno.
· Qoraa Somaaliyeed oo isna la dhacsan Calmaaniyadda ayaa qoray qoraal uu ugu magac daray “Siyaasad aan sixir lahayn: Ha la idiin duceeyee kala duwa Diin iyo Dawlad.” Qoraalkaas wuxuu kusoo baxay Majaladda Kasmo hillaadu markay ahayd 11-kii Abriil, 2013, tirsigii 355. (Tusmo waxay ka soo baxdaa London, qoraalkan waxaa kaloo aan ka akhriyay Wardheernews.com, ma se hubo inuu hadda ku jiro). Qorahani wuxuu si badheedh u yidhi “….Cilmaaniyaddu waa wax fiican ee culimadaa innagu dirtay..”
· Nin aanu saaxiib nahay ayaa isku dayay inuu u nasteexeeyo wiil Soomaaliyeed oo Atheist ah1 (Atheist=qof ka aaminsan inaanu Ilaah jirin). Ninkii wuxuu usoo diray farriintan oo uu ila soo wadaagay saaxiibkay, wuxuu yidhi “Diin oo dhan beri baan ka ahay oo run ama muhiim uma arko”
· Markale ayaan la kulmay haddana dhacdo kale. Wiil Soomaaliyeed oo fidiya diinta Kiristanka ayaa soo qoray qoraal uu ugu magac daray: Islaamka iyo xisbigi Adolf Hitler ee Nazi ma la is dhihi kara wey isa shabahaan? Wiilkani qoraalka wuxuu si badheedh ah ugu caayayaa diinta Islaamka. Arrinta yaabka badan ayaa waxay ahayd dadkii ra’yigooda ka dhiibtay qoraalkan oo tiradoodu ahayd lix, saddex ka mid ahi waxay si badheedh ah u taageereen qoraalkaas! Maxay kula tahay kolkaas?! Dadka ra’yigooda cabbiray mid ka mid ah ayaa sidan qoray “tks Hebel (Magaca waan qariyay) laakiin mar dhow waa arkee wax muslin la dhaho in la waayo sabab xaq kuma socdaan iyagii ayaba ilaah ah waxey rabaan sameynaya inteey doonaan guursanya yaaab”
· Wiil kale oo Soomaaliyeed oo ra’yigiisa ka dhiibtay sheikh hadal (Khudbad) jeediyay ayaa sidan yidhi “Ninkan waxa uu ka hadlay jiritaanka Islaamka oo ku taagan Rido ama Dilka Qofka Islaamka katago sida Aniga oo kale.” Isla wiilkaasi wuxuu bogga hore ee Facebook-giisa soo dhigay qoraalkan “In alla intii Ciise aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magaciisa rumaystay. Yooxanaa 1:12”
Tiro ma laha oo halkan kuma soo wada koobi karo inta tolkeen ah ee hallawsan ama hallaw u dhaw oo sii hoobanaysa. Waxa se’ is waydiintu tahay: Maxaa innala gudboon? Ma aamuus oo isha ka dhawr? Ma waani oo wax u sheeg? Ma…? Ma…? Aniga maankayga, waajib diiniya ayaa innaga saaran inaynu dadkan wax u sheegno, xaqa tusno, una ducayno. Adna waxaan rajaynayaa inaad sidaa iila fahantay.
Gaar ahaan, Dhalinyarta wax qorta waxaan leeyahay “Maalinba meel ayay ku jirtaa (Ajarku), maantana halkanay ku jirtaaye, diinteenna suuban qalinka ugu hiiliya, una hagar baxa”
ILAAHAY HA INAGA DHIGO KUWA WANAAGGA IS FARA XUMAHANA ISKA REEBA.
F.G. Xogta (Tixraaca) dadka aan hadalladooda halkan ku soo gudbiyay waan qariyay, sababo shakhsiyadeed awgeed. Haddiise laga fursan waayo oo loo baahdo in lala xidhiidho, waan keydiyay. Waana layga helayaa.
Tix Raac
1. Ninkani maaha keli kuma aha inta sidaas samaysa, waxa jiraa inkale oo badan isagu waa tusaale uun.
2. Wiilkaasi isagaa qirtay inuu Atheist yahay.
Mustafe Axmed Xasan
Facebook: Mustafa Ahmed