Maxkamada Dalka Masar Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Madaxweynihii Hore Ee Dalkaas Maxamed Mursi

0
35

Qahira (Hubaal)-Maxkamad ku taalla Waddanka Masar, ayaa Madaxweynihii la afgembiyey ee Dalkaaasi Maxamed Mursi ku xukuntay Dil Toogasho ah.

Maxamed Mursi ayaa lagu eedeeyay in uu masuul ka ahaa fal ay maxaabiis xabsi ku yaalla dalkaas ay uga baxsadeen kadib markii ay jebiyeen darbiga xabsiga.

Egypt's Islamist former president Mohamed Morsi in courtMorsi ayaa hore maxkamada loo soo hortaagay iyadoo lagu eedeeyey danbiyo ay kamid yihiin xiisadihii ka dhacay dalkaasi Masar intuu xilka hayey oo ay ku jiraan abaabulid dil, musuq maasuq iyo ku tumasho dastuurka Masar.

Maxkamada ayaa hore ugu xukuntay 20-sano oo xadhig ah kadib markii lagu soo oogay dacwad la xidhiidha in uu amray in la xidho oo tacadi loo geysto dad mudaaharadayay xilligi uu xafiiska joogay.

Maxamed Mursi waxa uu ahaa Madaxweynihii u horeeyey ee shacabka Masar si xor ah u soo doortaan. Waxaana inqilaabey sanadkii 2013, Hoggaamiyihii Milteriga ee isagu magacaabey Cabdulfataax Sisi, kadib mudaaharaadyo is-dabajoog ah oo ciidamadu soo abaabuleen. Mursi ayaa Milteriga Masar dhigeen xabsi ay leeyihiin oo ku yalaa banaanka Qaahira.

Sanadkii 2014 waxaa Maxkamadda Masar ay dil ku xukuntey 1212 qof, waxaana kamid ahaa Hoggaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiin Maxamed Baadiic.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here