Hargeysa, (Hubaal)- Engineer Maxamed Xaashi Cilmi ayaa mar uu ka qayb galay shir urur dhalin yaro qabtay ka hadlay dhibaatooyinka qabyaaladu keento.
Mar uu arrintaa ka hadlayay Maxamed Xaashi wuxuu yidhi, “Meel qabyaalad ku shaqeynaysa wax horumar ah ma samayso oo ma socoto waayo intaa maahee inta kale ayaa kaa cadhoonaysa, ka dulman ayuun baa xuquuqdiisii lumaysaa, kolkaasaa imika la odhanayaa haddii aanu reer hebel nahay anagu idiinma lihin oo dawlada waxaa loola tagaa waxaa ii qabo iyo waxaa noo qabo, laakiin dalka wax u qabo waa laga tegay. Waxa dalkan lagu xoreeyay dad isku dan ah oo mabda leh oo aan qabiil jirin. Immika waxaad moodaa in qabiil loo guuray. Qabiilku ciladdo badan ayuu leeyahay. Marka hore qabiilku qaa eex laba qof oo ku soo shaqo doontay ayaad eegaysaa, waxaana odhanaysaa kee ayaa ku xiga. Laba qof oo muraad wada leh ayaa midna soo dhaweynaysaa midna eryaysaa. Qabiilku inama anfacaayo, lagumana shaqayn karaayo. Waxa Wasiiraddeena lagu keenaa qabaa’il, maxaa dalka loo qabtaa dalkiiba waxa uu ku salaysan yahay qabaa’il.”
Maxamed Xaashi wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Waxa loo qayb samay laba qaybood. Qaar leh dhiig baxa aynu joojino si uu noolaado iyo in leh wuu damqanayaa ee ka daaya oo iyagu dhiig baxa raba, hadana is leh waxbaad kordhinaysaa, waxaanay ka mid tahay nasiib darooyinka jira. Waxa huteelada la dhigaa waraaqo, waxaana la yidhaahdaa xisbiyada mucaaridka yaanay ka hadlin,waxa sidaas samaynayaana waa Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Waran-cadde.”
Sidoo kale, Maxamed Xaashi wuxuu dhaliil u soo jeediyay maxkamaddaha dalka ka jira wuxuuna yidhi,“kolkaad immika aad eegto maxkamadaheena waxa hoos fadhiya kuwa yaan u gubtaa yidhaahda oo dhaar markhaati beebaale ayay diyaar u yihiin oo waa la yaqaan qabta la odhan maayo oo la eryi maayo kolkaa halkaa ayaynu cadaalad ka maraynaa. Ka dulmani ee cadaalada haysan waa ka jilicsan. Marka aad maxkamada aad eegto waxa dul fadhiya qaar leh yaan u gubtaa, waana kuwa marqaatiga beenta ah fura ee dhaarta.”