Maxkamadda Caalamiga Ah Ee ICJ oo Ka Farxisay Soomaaliya, Dhiggeeda Kenyana Ka Nixisay+Cumar C/rashiid Oo Ka Hadlay

0
40

 

“Waxaan Rabaa In Aan Soomaalida Gaar Ahaan Hoggaamiyeyaasha Siyaasadeed Xusuusiyo, In Ay Muhiim Tahay In…”

“Dacwadani Waxay Ka Dhaxeysaa Laba Dal Ee Ka Ma Dhaxeyso Soomaali, [Sidaas Darteed]  Waxaan Idiin Sheegayaa In…”

Hague(Hubaal):- Xaakinnada Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobeey ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee waddanka Netherland, ayaa go’aan ku gaadhay inay dhageysan karaan Dacwadda Muranka Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo ay Dacwaddeeda sannadkii hore u gudbisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.Waxay Xaakinnada Maxkamaddu u codeeyeen inay Kiiskaas dhegaysan karaan, dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen oo ay Kenya ku doodaysay.Hadda Dacwadda ay Soomaaliya gudbisay Maxkamaddaas, ayaa sii socon doonta muddo sannado ah, waxaanay ugu dambeyn go’aan ka gaadhi doontaa dalka iska leh qeybta Badda ee lagu muransan yahay. Balse, weli lama sheegin goorta ay Dacwaddu billaaban doonto.Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai, ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay dhageysiga dacwaddan oo aan wali wakhti looo qabanin. Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.Soomaaliya aya hore  ugu gacan seydhay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Dhinaca kale Dawladda Waqtigeedu dhacay ee Soomaaliya ayaa ka hadashay mawqifkeeda la xidhiidha go’aankan. Ray’sal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid  oo arrintan ka hadlay waxyar ka dib markii go’aanku soo baxay ayaa soo dhaweeyey una mahad celiyey qareennadii dawladiisa iyo garsoorkii ka arriminayay   Maxkamadda Caalamiga.

“Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaa. Maanta [shalay], waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaadhka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed ee ka dooday dacwadan muhiimka ah. Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Soomaalida, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, in ay muhiim tahay in hal hadaf la wada yeesho. Dacwadaa waxaa ay ka dhexeysaa laba dal ee ka ma dhexeyso Soomaali. Waa in hadafku uu noqdaa in lagu guuleysto dacwada oo la difaaco xuduudaheena ee maaha hadafku in loo adeegso hadaf siyaasadeed . Waxaan idiin sheegayaa in marxaladdan ay tahay mid taariikhi ah,” ayuu yidhi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ka codsatay maxkamadda in ay calaamadeyso soohdinta badda, go’aanna ay ka gaarto xuduudda. Maxkamadda ayaa go’aan ka gaartay in ay dhageysato dacwadda ka dibna calaamadeyso xuduudda.Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda oo kama dambeys ah uguna baaqay Kenya in ay tixgeliso.

wmaxd

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here