Hargeysa (Hhubaal) – Garsooraha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland Yuusuf Faarax Sahrmaarke (Yuusuf Geerash) ayaa xukun dil ah ku riday dhalinyaro tiradoodu aheyd 8 oo u xidhnaa dilkii 1/3/2016 loo geystay taliyihii Qaynbta Bilayska gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Maxamad Caseyr.
Eedaysanayaasha dacwaddan ayaa dhamaantood ahaa dad rayid ah oon ka tirsaneyn ciidamada, taasoo sababtay in muran weyni (controversy) ka dhasho sharcinimada ay maxkamad milatari u leedahay inay kiiskan oo kale ka gar naqdo.
Maxkamaddu waxa kale oo ay xukun xadhig mudo 7 sanadood ah ku xukuntay 8 qof oo lagu eedeeyey inay faldambiyeedyo ka galeen Ceel Garde.
DAAWO