Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Iska Leexisay Eedo Musuqmaasuq Oo Lagu Xidhiidhiyey

0
44

Hargaysa(Hubaal)-Maxkamada Gobolka Hargaysa ayaa  gees iskaga leexisay eedo musuq maasuq oo dusha laga saaray, kuwaas oo salka ku hayey lacago ay ka lunsatay Muwaadin ay kiiskiisa gacanta ku haysay oo warbaahinta dhaliilo ugu soo jeediyey.

gurayGarsoore Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ah garsoorayasha maxkamada gobolka Hargaysa iyo kaaliyaha Maxkamada Gobolka Hargaysa Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) ayaa si toos ah iskaga leexiyey eedo uga yimi muwaadin sheegtay in lacago gadhaya 18000. Ay maxkamaddu ka qaadday, isla-markaana ka musuqmaasuqaday. Garsoore Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kaaliye Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) oo warbaahinta la hadlay ayaa   cadeeyay in aanay lacagtaa ku takri falin oo ay hayaan iyagoo halkaa ku soo bandhigay lacagtii siddeed iyo tobanka kun ee doolar ahayd ee lagu eedeeyay in ay lunsadeen. Garsoore Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud oo ahaa garsooraha dacwadaa gacanta ku haya oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay wararkaasi sal iyo raad toona lahayn dacwadaasina ay ahayd dacwad baabul khiyaamo ah sida uu hadalka u dhigay. Garsoore Maxamuud oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ah garsoorihii Dacwadan hayay, dacwaduna waxay ahayd dacwad baabul khiyaamo ah waxaana dhibane ka ahaa Cabdisamad Maxamuud Habane, eedaysanayaalna waxa ka ahaa Cali Cumar Faarax iyo Caasha Cumar Faarax”. Garsoore Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in dhibane Cabdisamad Maxamuud Habane laga iibiyay dhul dhaxal ah oo cabirkiisu yahay 12×12 oo ay wada leeyihiin walaalaha Cali Cumar Faarax iyo Caasha Cumar Faarar lagana siiyay $22,000 (laba iyo labaatan kun oo doolar). Waxa kale oo Garsoore Maxamuud sheegay in intii dacwadu socotay ay maxkamadu gacanta ku dhigtay $18,000 (siddeed iyo toban kun oo dolar) oo ay soo bixiyeen dhinicii eedaysanayaashu. Kaaliye Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) oo isagu masuul ka ah lacagta ay qabato maxkamadu oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo bandhigay lacagtii siddeed iyo tobanka kun ee doolar ahayd ee lagu eedayay inuu lunsaday. Kaaliye Gurey waxa kale oo uu sheegay in shakhsiga soo cawday aanu cabasho qoraal ah usoo gudbin gudoomiyaha maxkamada, isla markaana aanu waxba ka ogayn gudoomiyaha maxkamadu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here